"Baarlamaan Ahaan, Waxaanu Jeclaan Lahayn In Guddoomiye Cirro Ka Muuqdo Munaasibaddii Golaha Deegaanka Sheffield Ugu Codeynayeen Aqoonsiga Somaliland". Xildhibaan Bukhaari

0
Monday April 07, 2014 - 09:14:00 in by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Baarlamaan Ahaan, Waxaanu Jeclaan Lahayn In Guddoomiye Cirro Ka Muuqdo Munaasibaddii Golaha Deegaanka Sheffield Ugu Codeynayeen Aqoonsiga Somaliland". Xildhibaan Bukhaari

    Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Munaasibaddii ay Jaaliyadda Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriisku ugu debaal-dagayeen aqoonsiga Somaliland ee Golaha Deegaanka Magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Munaasibaddii ay Jaaliyadda Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriisku ugu debaal-dagayeen aqoonsiga Somaliland ee Golaha Deegaanka Magaaladaasi,

"Baarlamaan Ahaan, Waxaanu Jeclaan Lahayn In Guddoomiye Cirro Ka Muuqdo Munaasibaddii Golaha Deegaanka Sheffield Ugu Codeynayeen Aqoonsiga Somaliland”. Xildhibaan Bukhaari

 

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Munaasibaddii ay Jaaliyadda Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriisku ugu debaal-dagayeen aqoonsiga Somaliland ee Golaha Deegaanka Magaaladaasi, taasi oo uu ka maqnaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wakhtigaasi ku sugnaa London.

Xildhibaan Bukhaari, waxa uu si gaar ah uga hadlay ka maqnaashiyaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee dhacdadii Sheffield, waxaanu sheegay inay gole ahaan jeclaan lahaayeen inaan Guddoomiyahoodu ka maqnaan munaasibaddii aqoonsiga Sheffield ay ugu debaal-dagayeen aqoonsigaa taariikhiga ah.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka mid ah Mudanayaasha xisbiga Kulmiye ugu jira golaha Wakiilada, ayaa Wareysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska madaxa-banaan ee Somalilandtoday, sidoo kale kaga hadlay muhiimadda uu Somaliland u leeyahay aqoonsiga golaha deegaanka Sheffield.

Xildhibaan Bukhaari, oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey aragtidiisa la xidhiidha in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo  lagu casuumay Munaasibaddii Sheffield uu ka maqnaado, isaga oo ahaa masuulkii ugu sareeyay ee qaranka Somaliland kaga sugnaa Ingiriiska, ayaa ku jawaabay  "Baarlamaan ahaan waxaanu jeclaan lahayn in Guddoomiyahayagu. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ka muuqo Munaasibaddii Sheffield ee ay ugu codeynayeen Xildhibaanada Magaaladaasi aqoonsiga Somaliland”ayuu yidhi, Xildhibaanku waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya dareenkiisa ku aadan qadiyadda Golaha deegaanka ee Sheffield "Dabcan..Sheffield waa magaalo ka mid ah Gobollada waddanka Uk, xigmadda ku jirta aqoonsiga ay Somaliland Ictiraafeen  waxay tahay inay shamac nooleeya u noqon doonto himillada ugu weyn dalkeena oo ah aqoonsi raadinta, markay sidaa tahay waxaan halkan marka hore hambalyo uga dirayaa Jaaliyadda iyo xubnaha dedaalka weyn arrintaas ka muujiyay ee Jaaliyadda Sheffield, waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa qurba-jooga Somaliland inay kaga daydaan ficilka ay mujiyeen Jaaliyadda reer Sheffield.”

 







Source: wargeyskasomalilandtoday