"Waxaanu u Baxaynaa Dalka "UAE" gaar ahaan Dubai si aanu uula Kulano Shirkada‪#‎Dp_World‬ oo Danaynaysa Dekedda Berbera" Wasiirka Madaxtooyada

0
Thursday May 14, 2015 - 08:06:55 in by salman abdi
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu u Baxaynaa Dalka "UAE" gaar ahaan Dubai si aanu uula Kulano Shirkada‪#‎Dp_World‬ oo Danaynaysa Dekedda Berbera" Wasiirka Madaxtooyada

    Wasirka Madaxtooyada JSL oo hogaminayey wefti dorraad ka dhoofay Dalka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook kaga hadlay ujeedada socdaalka ay ku tageen Imaraatka Waxanu yidhi sidan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasirka Madaxtooyada JSL oo hogaminayey wefti dorraad ka dhoofay Dalka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook kaga hadlay ujeedada socdaalka ay ku tageen Imaraatka Waxanu yidhi sidan"



"Hadii aynaan Dekedeena Maalgalin iyo balaadhin ku samayn waxaa hubaal in ay ka hadhayso kuwa Jaarkeena!”
----------------------------------------------------------------------
Waxaan Maanta kasoo amba baxay gegada Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa anagoo oo ku sii jeedna Dalka isutaga Imaaraadka Carabta ‘UAE” gaar ahaan Dubai

Safarkan oo ay igu wehelinayaan Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud , Gadiidka iyo Guryeynta Mud, A/razaq Khaliif Axmed , Wasiirka Wasaraada Qorshaynta Qaranka Mud Sacad Cali Shire , Wasiirka Ganacsiga iyo Maaligashiga Mud. Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoorxoor

Socdaalkan shaqo ayaa daba socda kulamo mudooyinkii u dambeeyey noo socday shirkada #DP_WORLD muhiimadiisuna tahay in aan qiimayno shirkadan isla markaana barbar dhigno baahida Dekeda Berbera ka jirta si markaa go’aan looga gaadho in lala heshiiyo iyo inkale.

Maaha shirkadan oo kaliya balse waxaa sidoo kale jira shirkado kale oo danaynaya in ay maalgashadaan dekeda xudunta ah ee Berbera

Waxaan hoosta ka xariiqayaa in faraq weyn u dhaxeeyo iibinta iyo maalgashiga isla markaana aanay jirin deked la iibiyo iyo dal la iibsho toona balse waxaa lagama maarmaan ah in marka dal korayo marwalba horumarkuna la kobco isla markaana loo baahan yahay si dekeda Berbera uula tartanto kuwa geeska iyo caalamkaba in loo helo maalgashi caalami ah.

Waxaa hubaal ah Hadii aynaan Dekedeena Maalgalin iyo balaadhin ku samayn in ay ka hadhayso kuwa Jaarkeena oo dardar xoogle ku socda!

Waxaan cadaynayaa in ilaa hada aanay jirin shirkad ku guulaysatay in ay maalgashato dekeda Berbera balse aan wali ku jirno qiimaynta shirkadaha xiisaynaya dekeda Berbera isla markaana tartanka iyo qiimayntu socoto.

Waxaan ku dedaalaynaa in aan helno shirkad buuxin karta baahida dekedeena isla markaan suurogelin karta in Dekeda Berbera soo saarto dhaqaale ka tiro badan inta hada qaranka uuga soo xaroota.

Hadaba si aad u hesho Warkaas oo faahfaahsan fadlan riix halkan hoose:
https://www.youtube.com/watch?v=WKxppRHfS0Y

Wa Bilaahi Tawfiiq