Kooxda Bayern Munich Oo U Dabaal Dagtay 10-sano Oo Ay Ku Cayaareyso Garoonka Allianz Arena + Macluumaadka U Gaar Ah

0
Monday June 01, 2015 - 11:04:26 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Bayern Munich Oo U Dabaal Dagtay 10-sano Oo Ay Ku Cayaareyso Garoonka Allianz Arena + Macluumaadka U Gaar Ah

    Kooxda Bayern Munich waxay haatan garoonka Allianz Arena ku cayaareysaa 3,652-maalmood oo u dhiganto 10-sano oo kaamil ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Bayern Munich waxay haatan garoonka Allianz Arena ku cayaareysaa 3,652-maalmood oo u dhiganto 10-sano oo kaamil ah.


Garoonkan ka mid ah garoomada aduunka ugu quruxda badan ayaa haatan qaadkiisa laga dhigay ilaa 75,000 oo inay usoo daawasho tagi karaan.

Hadaba Bayern ayaa u dabaal dageyso 10-sano oo ay ku cayaareyso garoonkan quruxda badan una suura galiyay in dhaqaalo baahsan kooxdan soo galo.

Hadaba goolkii ugu horeeyay waxaa garoonkan ka dhaliyay Sebastian Deisler oo Bayern Munich ka tirsanaa sanadii 2005 kulan saaxiibtinimo oo ay Bayern 4-2 kaga badisay xulka Jarmalka.

Sidoo kale Allianz Arena 6-kulan oo ka mid ahaa koobkii aduunka ee sanadii 2006 lagu qabtay dalka Jarmalka ayuu garoonkan marti galiyay weliba cayaartii furitaanka ee Jarmalka 4-2 kaga badiyeen xulak Costa Rica ayaa lagu cayaaray.

Guushii ugu weyneed Bayern garoonkan waxay kaga gaartay naadiga Hamburg ayadoo kaga badisay 8-0 kulan ka tirsanaa Bundesligaha Febraayo 2015.


Sidoo kalena mar labaad Bayern waxay 9-2 uga badisay oo ah goolasha ugu badnaa ee garoonkan laga dhaliyo isla naadiga Hamburg sanadii 2013 bishii Maarso.

Garoonkan waxaa ku dhaliyay goolka ugu dhaqsiyaha badan tartanka Champion-ka Roy Makaay oo 10.12-ilbiriqsi naadiga Real Madrid kaga dhaliyay sanadii 2007.

Kaliya 11-kulan oo ay Bayern ku cayaartay Allianz Arena ayaysan wax gool ah ku dhalinin ama 0-0 kusoo idlaadeen cayaarayahan.

Bayern guulaha ugu badan garoonkan waxay kaga heshay naadiga Wolfsburg ayadoo kaga badisay 12-jeer .

Franck Ribery 52-kubadood ayuu ku dhiibay garoonkan waxaana xidiga ugu badan ee Allianz Arena goolasha ugu badan ku baasay!

Weeraryahankii hore ee Bayern Munich Mario Gomez ayaa ah xidiga goolasha ugu badan garoonkan ku dhaliyay wuxuuna ku dhaliyay 66-gool halka Arjen Robben uu 63-gool ku dhaliyay sidoo kalena Ribery isagana 58-gool ayuu ku dhaliyay.

Philipp Lahm ayaa ah xidigaha ugu badan ee garoonkan kasoo muuqday wuxuuna ku cayaaray 206-kulan weliba 151 ka mid ah kulamaad xidigan wuu guuleestay! Waxaa ku xiga Bastian Schweinsteiger oo isagana ku cayaaray 194-kulan halka Ribery uu ku cayaaray 148-kulan.

Bayern Munich waxay Allianz Arena ku cayaartay 249-kulan oo caalami ah waxayna ku badisay 188-kulan halka 37-kulan ay bar bar dhac ku gashay sidoo kalena 24-kulan ayaa looga badiyay!!

Bayern Munich waxay garoonkan ku dhalisay 640-gool sidoo kalena 185-gool ayaa looga dhaliyay taasi oo ka dhigan guud ahaan in Allianz Arena lagu dhaliyay 1,318-gool!!

Contact@afkashacabka.com