Kulan ay Xildhibaanada Somalia Ay codeyn lahaayeen Mooshinka Jubbaland Oo Kooram La'aan U Baaqday

0
Monday June 01, 2015 - 15:18:19 in
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan ay Xildhibaanada Somalia Ay codeyn lahaayeen Mooshinka Jubbaland Oo Kooram La'aan U Baaqday

    Muqdisho(Afka)Kulankii Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay cod ugu qaadayeen lahaayeen mooshin ka dhan ah baarlamaanka Jubbaland ayaa kooram la'aan u baaqday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Afka)Kulankii Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay cod ugu qaadayeen lahaayeen mooshin ka dhan ah baarlamaanka Jubbaland ayaa kooram la'aan u baaqday.


Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa Xaqiijiyay in kulanka uu sabab kooram la’aan ah u baaqday, iyadoo Xildhibaannadii Kulanka soo Xaadiray maanta ay Dhammaan Waayeen tiradii lagu fuli lahaa kulanka.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar ayaa intii uusan kulanku furmay dalbaday in la tiriyo Xildhibaanadii ku sugan Golaha Shacabka, balse markii tiradu ay dhammaan waayeen intii uu Kooramku ku Furmi lahaa ku wargeliyay xildhibaannada inaanu kulanka baarlamaanka furmi karin.

Waa markii Saddexaad oo codeynta Mooshinka ka dhanka ah Baarlamanka Jubbaland uu u baaqanayo kooram la’aan, iyadoo Xildhibaannada mooshinka keenay ay eedda Baaqashada codeynta mooshinka mas'uuliyadeedda dusha uga tureen madaxda Dowladda Somalia.

Illaa hadda lama oga xilliga Mooshinkaan Codka loo Qaadi doono; iyadoo codeyntanina ay kusoo beegmayso xilli Xukuumadda Somalia ay dhawaan dalbatay in la hakiyo si arrinta si hoose loogu xalliyo.

Ugu dambeyn, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in haddii mooshinka laga hortegi waayo ay iyaguna xiriirka u jari doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo walaac gelisay madaxda dowladda Soomaaliya.



Cabdiqadi Cali Siciid
Afkashacabka.com
Mudisho/Office
Contact@afkahsacabka.com