Ma Rabtaa Inaad Siyaadsato Jacaylka Lamaanahaaga?

0
Wednesday April 09, 2014 - 16:17:38 in by Super Admin
  • Visits: 2098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Rabtaa Inaad Siyaadsato Jacaylka Lamaanahaaga?

    qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa


Qofkii doonaa in uu kordhisto Raasamaalkiisa waxuu raadiyaa siduu ku kobcin lahaa oo ku badin lahaa sidoo kale qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa iyo isu daacadnimadooda marka waxaan soo qaadanaynaa : 10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa.

1) In ay is dhaafsadaan hadiyadaha xataa hadii ay tahay mid iska caadi ah, sida hal ubax oo aad saarto barkinta Zawjkaagu ku seexdo hurdada ka hor waxay leedahay sixir soo jiidasho aad cajiib u ah ama Bidaaqad yar oo midab leh oo aad ku qorto kalmado aad u macaan oo u qurux badan taasina waxay leedahay raad reeb aad ugu wayn dhinaca qalbiga,

Ninku markuu bixiyo qiimaha hadiyada xaaskiisa wuxuu kula soo noqdaa qiimahaas waji furan oo faraxsan oo uu ka arko xaaskiisa iyo qosol macaan oo uu ka arko bishmaha xaaskiisa, kalimad mahadnaq iyo amaan oo ay si wanagsan u soo doorato gabadhaasi, faraxad iyo wanag ka muuqda guriga dhinacyadiisa oo dhan, gabadhuna waa in sidoo kale ay ninkeeda wax u hadiyadaysaa.

2) In ay waqti gooyaan ay isla fadhiistaan oo ku sheekaystaan markasta marka ay kala maqan yihiina ay telka isku waraystaan oo mid waliba kan kale ihtimaam ku siinaayo la hadalka kan kale, waxaana inoogu filan ku dayasho siduu rasuulku s.c.w u dhegaysanaayey Caa’isha r.c markay ka sheekaynaysay xadiiskii dheeraa

3) Is eegida iyo aragtida xanbaarsan jacaylka iyo iska helida , dareenka u dhexeeya labada qof ee is qaba kuma ega waajibaadka kaliya oo la guto ama is dhaafsasho kalmado xidhiidh wanaagsani ah oo lays dhaafsado ee intaas waa ka badan tahay oo waxaa ka mida ishaarooyin aan hadal lahayn oo wajigu cabiro ama u dhicida sowtku muujinaayo ama ay tilmaamayso eegidu, waxaas oo dhami waxay dherjiyaan jacaylka iyo naftaba ee ma ogyihiin labada is qabaan fanka hadalka indhaha ? iyo fanka ka-hadalka nabrat sowtka iyo fanka hadalka malaamixa wajiga ? imisa ayaa ogsoon fanka hadalka indhuhu yihiin sixir ku dhaca qalbiga..

4) Marka uu baxaayo oo aad si wanaagsan u sii macasalaamayso iyo marka uu soo noqdo oo aad si aad u diiran oo wanaagsan aad u soo dhowayso oo u marxabayso, sidoo kale markuu dhoofayo ama ka soo noqonaayo dhoof iyo markaad taleefon kula hadlaysoba

5) waxaa wanaagsan ninku in uu xaaskiisa amaano oo dareensiiyo in uu ilaa xad u jecel yahay, ninkalena eegidiisa uga masayrayo jacaylka uu u qabo dartiis sidoo kale in aanu waligiis gabadh kale la simin ama ku hor amaanin. lasoco…………….

Astaamaha Ninka Wanaagsan(2)

Waxaa muhiim u ah gabdhaheena ka fiirsadaan ninka ay la wadaagayso nalosha, lana qaybsanayso jacaylka inta aysan go’aansan aqbalidiisa iyo ku raali noqoshadiisa.hadaba Gabadh kasta oo akhrista qormadan maanta ee wargayska Somalilandtoday ha ka eegto Astaamahan ninkay ragga ka xulaynayso:

1-Diinta islaamka hayaqaano, hana ku dhaqmo.

2-Dabeecad wanagsan halahaado.

3-Nin dhowrsan ha ahaado.

4-Ehelkiisu nimay jecelyihiin ha ahaado.

5-Caqli low ha ahaado.

6-Aqoon ha lahaado.( waxay rabto ha ahaatee )

7-Dantiisa hayaqaano.

8-Naftiisa haku kalsoonaado 




lasoco……………..