Hordhac: Juventus v Barcelona – Yaa Koobka Champions League Caawa La Hoyan Doona Oo Tariikhda Geli Doona.

0
Saturday June 06, 2015 - 11:33:05 in by Super Admin
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Juventus v Barcelona – Yaa Koobka Champions League Caawa La Hoyan Doona Oo Tariikhda Geli Doona.

    Kulanka: Juventus v Barcelona Garoonka: Olympic Stadium Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Cuneyt Cakir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Juventus v Barcelona Garoonka: Olympic Stadium Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Cuneyt Cakir


Labo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaarada Yurub ayaa ku kulmaya finalka Champions League iyadoo Juventus iyo Barcelona ay isaga horimaanaya garoonka Olympiastadion ee magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Juventus ayaa ka soo muuqaneysa finalka markii ugu horeysay muddo 12 sannadood ah, waxaana ay raadinayaan inay ku guuleystaan markii seddexaad oo ay ka qaadaan Barcelona kuwaasoo isha ku haya koobkoodii shanaad ee Champions League iyo koobkoodii afaraad ee 10kii sanno ee ugu danbeysay.

Labada labada tababare, guul ay ku gaaraan Berlin waxa ay u dhameystiri doontaa xilli ciyaareed cajiib ah, Massimiliano Allegri ayaa ku hogaamiyay Juventus horyaalka Serie A iyo Coppa Italia, halka Luis Enrique uu ku hogaamiyay Barcelona horyaalka La Liga iyo Coppa del Rey.

Labada kooxood ayaana raadinaya inay hantaan koobkoodii seddexaad ee xilli ciyaareedka, Barcelona ayaa haddii ay ku guuleysato waxa hanan doontaa seddexda koob markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2008-09, halka Juventus ay taariikhda geli doonto haddii ay ku guuleysato kulanka caawa iyagoo la mid noqon doona kooxaha Celtic FC (1967), AFC Ajax (1972), PSV Eindhoven (1988), Manchester United FC (1999), FC Internazionale Milano (2010) iyo FC Bayern München (2013).

MAXAA KA CUSUB?

Juventus waxaa dhaawacyo kaga maqan Chiellini oo dhaawac ka soo gaaray muruqa kubka uu ku seegayo kulanka finalka, halka daafaca kale Caceres uu isna ku maqan yahay dhaawac canqowga ah. Daafaca kale ee Barzagli ayaa isna shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa ka dib markii uu dhawaan ka soo laabtay dhaawac muruqa bowdada ah.

Dhanka kooxda Barcelona ma qabto wax dhaawac ah ama ciyaaryahan shaki uu kaga jiro, iyadoo Andres Iniesta uu taam buuxda u yahay kulanka caawa ee Berlin.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Juventus:Buffon; Lichtsteiner, Bonucci, Barzagli, Evra; Marchisio, Pirlo, Pogba; Vidal; Tévez, Morata.

Barcelona:Ter Stegen; Alves, Piqué, Mascherano, Alba; Rakitić, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar.