Mac-hadka Faafinta Islaamka Oo Kulan Diimeed U Qabtay Dhalinyarada Magaalada Hargeysa+Sawiro

0
Sunday June 07, 2015 - 15:29:47 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mac-hadka Faafinta Islaamka Oo Kulan Diimeed U Qabtay Dhalinyarada Magaalada Hargeysa+Sawiro

    Hargeysa(Afka):-Mac'adka Faafinta Islaamka ayaa siminaar diini ah u qabtay qaar ka mid ah dhalinyarada Reer Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afka):-Mac'adka Faafinta Islaamka ayaa siminaar diini ah u qabtay qaar ka mid ah dhalinyarada Reer Hargaysa.


Kulankaas oo ku saabsanaa sidii da’yarta looga wacyi gelin lahaa wixii lid ku ah diinta islaamka, isla markaasna ka soo horjeedka dhaqanka islaamka, waxaana lagu qabtay hotel Shiraaqle ee magaalada Hargeysa.


Kulan-diimeedkaas waxaa ka soo qayb galay Madaxda Mac’adka Faafinta Islaamka, Culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxana ugu horayn kulankaas ka hadlay Wakiilka Mac’adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi Jeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji




Cali, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeda siminarkan diini ah ee ay qabteen Mac’adka Faafinta Islaamka "Kulan diimeedkan ama Siminaarkan ay iskugu yimaadeen dhalinyaradaas kor u dhaafaysa boqolka, ujeedada aanu u qaban waxa weeye sidii aanu dhalinyarada uga wacyi gelin lahayn wixii diinteenu reebtay wixii ay ina fartayna wanaageeda aynu iskugu wacyi gelin lahayn, tanina waxay daba socotaa kulamadii ay hora u waday Mac’adka Faafinta Islaamka ee ahaa dhiiri gelinta dhalinyarada ee barashada diinta islaamka iyo fahan keeda saxda ah ee ay inooga baahan tahay.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Qorane.

 


Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil Khayre (Sheekh libaax) oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa muxaadiro dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka soo jeediyay, taas oo uu dar-daaran kala duwan ku siiyay dhalinyaradii ka soo qayb gashay kulan-diimeedkaas "Horta marka hore farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qayb galo dhalinyaradanhablo iyo wiilalba iskugu jira ee siminaarkan diiniga ah ka soo qayb galay, taasina waxay I tusaysaa in dhalinyaradu u soo jeedo dhagaysiga muxaadarooyinka diiniga ah.” sidaas waxa yidhi Sheekh Libaax, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Waxaan idin soo jeedinayaa inaad barashada diinta xooga saartaan, oo aad noqotaan kuwo si sax ah diinta u fahma, taasina waxay idinka reebaysaa inaad wixii khalad ah aad ka fogaataan waayo ilahay (SWT) wuxuu kitaabkiisa quraanka ah iyo sunihii nebigeena Maxamed (SCW) inoogu faahfaahiyay diinta islaamka iyo dariiqa saxda ee looga baahan yahay qofka muslinka ah. Markaas madama oo aad dhalinyarado tihiin waa inaad ka fogataaan wixii waalidkiin dhibaya haday tahay, tabriib, waalid caasi iyo dhaqamada lidka ku ah diinteena, taas ayaan idinku bararujinayaa inaad ka dheeraataan.”


Gebo gabadii dhalinyaradii ka soo qayb gashay kulan-diimeedkaas waxay su’aalo kala duwan waydiiyeen culimadii muxaadirada diiniga ah u jeediyay, taas oo culimadiina si waafiya uga jawaabeen.




Hargeysa/Office

Contat@afkashacabka.com