Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Daahir Riyaale Kulan la Qaatay+Nuxurkii Ka Soo Baxay

0
Sunday June 14, 2015 - 14:03:31 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Daahir Riyaale Kulan la Qaatay+Nuxurkii Ka Soo Baxay

    Hargeysa(Afka)Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka dareen caliyey raaligentii uu ka raaligaliyey Madaxweynihii hore Daahir Rayale Kaahin burburkii xisbiga UDUB.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afka)Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka dareen caliyey raaligentii uu ka raaligaliyey Madaxweynihii hore Daahir Rayale Kaahin burburkii xisbiga UDUB.



Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay kala xaajooto, oo ay kala hadasho Guurtida muddo kordhinta ay isla afgarteen Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda, si meesha looga saaro muddo kordhinta ay Guurtidu meel marisay. "Raaligeinta nooga timid Daahir Rayale Kaahin waanu aqbalnay, in la is cafiyana way haboon tahay, cafiskuna wuu furan yahay, bina’aadankuna wuu khaldamaa, khaladkiisana wuu ka soo noqdaa, oo Diinteena Islaamka ayaa inoo sheegaysa saamaxaadu qiimaha ay leedahay, Daahir Rayaalena Shalay , oo Sabtiya ayaanu kulanay, arinkaasna hore ayaa looga dhaqaaqay”. Isagoo hadalkiisa sii watana kana hadlaya raaligelinta Jamaal iyo Cabdirashiid, wuxuu yidhi "Raaligelintaas uu Daahir Rayaale sidoo kale uu raaligaliyey Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan, waxa ay ahayd raaligelin loo baahnaa oo muhiim ah, maxa yeelay Raggaasi waxa ay ahayeen Raggii saaxada Siyaasada taagnaa, ee tartamaayey, ee doonayey in Xisbiga UDUB ku tartamaan, raalingelintaasna wey aqbaleen Jamaal iyo Cabdirashiidba, arinkaana waa talaabo hore loo qaaday”.
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isagoo xukuumadda la hadlaya wuxuu yidhi "Xukuumaddu waa inay kala xaajootaa Guurtida arinka muddo kordhinta, oo ha dhamayso, madaama Xisbiyadu heshiiyeen, oo laga heshiiyey muddo kordhinta, waana arin u taala Xukuumadda ”.