Masuuliyiin Ka Tirsan Kooxda Khaatumo Oo Raali Galin Siiyey Shirkadaha Somtel Iyo Telesom

0
Tuesday June 23, 2015 - 14:26:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Ka Tirsan Kooxda Khaatumo Oo Raali Galin Siiyey Shirkadaha Somtel Iyo Telesom

    Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Bariga Somaliland iyo siyaasiyiinta kooxda Khaatumo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Bariga Somaliland iyo siyaasiyiinta kooxda Khaatumo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay

 beegsiga shirkadaha isgaadhsiinta, kaddib markii 19-kii bishan dablay ka amar-qaata kooxda Khaatumo gubeen Taawarro ay lahaayeen shirkadaha Is-gaadhsiinta ee TELESOM IYO SOMTEL.
Garaad Abshir Saalax ayaa isagoo ku sugan deegaanka Widhwidh wuxuu sheegay in falkii dhacday uu ahaa mid laga xumaado; isagoo xusay in la baabi’iyay hanti ay dadka deegaanku leeyihiin.

Dhinaca kale Keyse Cabdi Yuusuf, oo hore uga tirsanaa xukumadda Somaliland haatana kooxda khaatumo ugu magacaaban Wasiirka daakhiliga ayaa isagoo ku sugan deegaanka Horu-fadhi ee lagu gubay taawarrada shirkaddaha waxa uu sheegay in Kooxda Khaatumo dib uga wada hadli doonto falkaasi dhacay.kayse


"Waxaan raalligelin u dirayaa madaxda shirkadaha Telesom iyo Somtel, shaqaalaha iyo macaamishaba, waxaana leeyahay wixii dhacay waa fal xun, mana aha waxaan maamul ahaan isku ogeyn; waana laga wadahadli doonaa,” ayuu yidhi Keyse.


Isagoo sii hadlaya Keyse Cabdi Yuusuf wuxuu xusay in hantida ay leeyihiin dad Reer Buuhoodle ah aanay waajib u leeyihiin in hantidooda loo badbaadiyo, lana ilaaliyo.


Hadalka Madaxdhaqameedka iyo Siyaasi Keyse Cabdi Yuusuf Ayaa ku soo beegmaya iyadoo hore qaar ka tirsan Kooxda Khaatumo ku dhawaaqeen in Shirkadda TELESOM loola dagaalamo sida gaadiidka dagaalka ee Somaliland, waxaana raggaasi ka mid ahaa ninka ugu magacaaban kooxda khaatumo Madaxweyne ku xigeenka , Cabdalla Caga-lule iyo Gacmayare, oo warfaafinta ugu magacaaban.


Hadalladan is khilaafsan ee kooxda khaatumo qaarkeed ku sheegteen masuuliyadda weerarka foosha xun ee shirkaddaha lagu qaaday, qaarna raali galinta kaga bixinayaan ayaa muujinaya khilaaf u dhexeeya kooxda iyo sida aanay xog iyo wada xaajood u lahayn.