Madaxwayne Ku-Xigeenka Soomaaliland Oo Shahaado Sharaf Guddoon Siiyay Maayirka Berbara C/Shakuur Cidin.

0
Sunday June 28, 2015 - 14:36:05 in by salman abdi
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku-Xigeenka Soomaaliland Oo Shahaado Sharaf Guddoon Siiyay Maayirka Berbara C/Shakuur Cidin.

    Madaxwayne Ku xigeenka jamhuuriyada soomaaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta Xafiiskiisa waxa uu shahaado sharaf ku gudoonsiiyay maayirka dagmada barbara Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Ku xigeenka jamhuuriyada soomaaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta Xafiiskiisa waxa uu shahaado sharaf ku gudoonsiiyay maayirka dagmada barbara Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin.


Gudida wasiirada ee ku hawlan maamul daadajinta oo uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa sidii caadada u hayd ku kulmay shirarkoodii 16kii bisha 6 2015 kaas oo ka dhacay Hall shirarka ee Madaxtoyada, waxaana ka soo qayb galayn Wasiiro, Agaasimayaal guud iyo Maayarada degmoyinka lagu bilaabay tijaabada maamul daadajinta.

cidin3

 

Berbara oo ka mid ah degmooyinka lagu bilaabay tijaabada maamul daadajinta waxbarashada ayaa loo aqoonsaday inay noqotay degmada ugu muhiimsan ee sida fiican u fulisay hawshii loo qorsheeyay, waxaana uu halkaa Madaxwayne kuxigenku ku gudoonsiiyay Shahaado sharaf uu mutaysatay Maayerka degmada berbera Mr. Abdishakur Mohmaoud Hassan Cidin oo isagu hogaaminaayey maayaradii lagu tijaabiyey maamul daadejinta, ka dib markii uu sidii la rabay uga soo baxay ugana dhex muuqday guud ahaan gobolada dalka.

cidin2

Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku ku dhiiri galiyay maayerada kalena in ay horumar sameeyaan kuna daydaan maayar Cabdishakuur si ay bulshadu u hesho adeeg kufan oo ku filan, dalkana u noqda bilic iyo waxqabad muuqda oo dhaxal gal ah.
Kulankan oo ahaa mid ay inta badan ku tartamaan maayarada magaalooyinku ayaa bishan loo aqoonsaday maayarkii ugu haboonaa maayarka Gobolka Saaxil Mudane Cabdikashuur Maxamud Xasan Cidin.