Steven Gerrard Iyo Frank Lampard Oo Iska Garab Ciyaari Doona Kana Horimaan Doona Kooxda Tottenham.

0
Tuesday July 14, 2015 - 12:39:51 in by Burco Office
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Steven Gerrard Iyo Frank Lampard Oo Iska Garab Ciyaari Doona Kana Horimaan Doona Kooxda Tottenham.

    Weli ma uusan ciyaarin kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka Mareykanka ee MLS laakiin Steven Gerrard ayaa lagu soo daray kooxda u ciyaareysa horyaalka Mareykanka ee All-Star ee la dheeli doonta kooxda Tottenham.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli ma uusan ciyaarin kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka Mareykanka ee MLS laakiin Steven Gerrard ayaa lagu soo daray kooxda u ciyaareysa horyaalka Mareykanka ee All-Star ee la dheeli doonta kooxda Tottenham.


Saxiixa cusub ee LA Galaxy ayaa ka garab ciyaari doona saaxiibkiisii xulka England Frank Lampard ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhici doona Colorado dhamaadka bishaan. Gerrard ayaana kulankiisii ugu horeysay ee MLS waxa uu u ciyaari doonaa kooxdiisa LA Galaxy maalinta jimcaha marka ay iska horimaanayaan San Jose Earthquakes.

Si kastaba, madaxa horyaalka Don Garber ayaa kabtankii hore ee Liverpool ku soo darsaday xiddigaha matali doona horyaalka kulanka saaxiibtinimo ee dhacaya 29ka bishaan July.

Gerrard ayaa kulankiisii ugu horeysay u ciyaaray LA Galax sabtidii koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cup iyagoo ka badiyay kooxda reer Mexico ee Club America.

Inkastoo uu xiddiga khadka dhexe ciyaaray kaliya 45 daqiiqo hadana waxa uu soo jiitay tababare Bruce Arena kaasoo ciyaarta ka dib amaanay.

Gerrard iyo xiddiga New York City FC Lampard ayaa labadooba waxa ay Mareykanka tageen labo isbuuc ka hor ka dib markii ay ka kala tageen kooxahooda Premier League, waxaana ay iska horimaan doonaan xilli danbe xilli ciyaareedkan.




Contact@afkashacabka.com