Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Gudi Qaban Qaabindoonta Aas Qaran Oo Marxuum Fu'aad Aadan Loo Samaynayo.

0
Thursday July 16, 2015 - 12:16:29 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Gudi Qaban Qaabindoonta Aas Qaran Oo Marxuum Fu'aad Aadan Loo Samaynayo.

    Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa manta magacaabay gudi heer qaran ah oo qaban qaabin doonta aasqaran oo loo samayn doono Marxuum Fu'aad Aadan Cade oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday dalka Turkiga. Sidaasna waxaa lagu sheegay w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa manta magacaabay gudi heer qaran ah oo qaban qaabin doonta aasqaran oo loo samayn doono Marxuum Fu'aad Aadan Cade oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday dalka Turkiga. Sidaasna waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soobaxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan,war-saxaafadeedkaasi oo nuqul kamidi soo gaadhay Afkashacabka waxa uu uqornaa sidan:-

 

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.

 

Digreetada Madaxweynaha:-

 

Ku:Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha WakiilladaGuddoomiye

 

Ku:Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo AwqaaftaXubin

 

Ku:Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejintaXubin

Ku:Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Xubin

Ku:Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin

 

Ku:Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Xubin

Ku:Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna

Ku-simaha Maayarka Hargeysa Xubin

Ku:Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi Xubin

 

 

Ujeeddo:Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu'aad Aadan Cadde

 

Mudanayaal,

 

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu'aad Aadan Cadde.

 

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabaddaaaska Marxuum Fu'aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonnaGuddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

 

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.




Contact@afkashacabka.com