Ra'iisul-wasaarah Soomaaliya Oo Boqolaal ka mid ah Dadweynaha Puntland kula CiidayMaglaada Garoowe+Sawiro

0
Friday July 17, 2015 - 17:42:17 in by Burco Office
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul-wasaarah Soomaaliya Oo Boqolaal ka mid ah Dadweynaha Puntland kula CiidayMaglaada Garoowe+Sawiro

    Garoowe(AFKA)Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiidayaa maanta oo Jimco ah kula ciiday magaalada Garowe boqolaal kamid ah dadweynaha degmadaas oo maanta u dabaal-degayay munaasabadda Ciidul-Fidriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(AFKA)Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiidayaa maanta oo Jimco ah kula ciiday magaalada Garowe boqolaal kamid ah dadweynaha degmadaas oo maanta u dabaal-degayay munaasabadda Ciidul-Fidriga.

 

Ra’iisul-wasaare Cumar oo ay dhinacyada ka taagan-yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobeiyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal ayaa salaaddii Ciidda ku tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalada Garowe.

"Inaynu maanta halkaan isugu nimaanno waxaa sabab u ah nabadgelyada ka jirta Puntland, nabadgelyadu waa furaha Nabada, furaha horumarka, furaha wadajirka iyo dawladnimada intaba,'' ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta salaaddii ciidda ka dib.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad-celiyay ra’iisul-wasaaraha Soomaliya iyo madaxda maamulka Jubbaland oo Garowe sanadkan ku ciiday ,waxaana uu sheegay in Puntland ay tahay dhul-Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa maanta iyagana si weyn looga ciiday magaalooyinka; Gaalkacyo, Boosaaso iyo Qardho, iyadoo kumanaan ka mid ah dadweynahaha Puntland ay isugu soo baxeen tukashada salaaddii Ciidda ee maanta.

"Walaal runtii maalin weyn ayey aniga iyo qoyskaygaba u tahay maadaama ay tahay maalin ciid ah oo aan muddo bil ah soo sugaynnay " ayuu yiri Shirwac Yuusuf oo aaan qadka Taleefanka kula hadlay isaga oo jooga magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa si wada jir ah munaasabadda Ciidul-fidriga awgeed hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.