Mudaharaad Rabshado gacanta la isul atagay isu bedelay oo ka dhacay caasimadda Australia

0
Sunday July 19, 2015 - 09:17:07 in by salman abdi
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaad Rabshado gacanta la isul atagay isu bedelay oo ka dhacay caasimadda Australia

    Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa maanta oo Sabti ah qeybo kamid ah la xidhay kadib markii ay rabshado ka dhasheen mudaharaad ay soo qaban qaabiyeen kooxo cunsuriyiin ah uu isu bedalay gacan ka hadal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa maanta oo Sabti ah qeybo kamid ah la xidhay kadib markii ay rabshado ka dhasheen mudaharaad ay soo qaban qaabiyeen kooxo cunsuriyiin ah uu isu bedalay gacan ka hadal.


Dhaq dhaqaaqa Cunsuriyiinta Australia oo loo yaqaan Reclaim Australia iyo United Patriots Front ayaa maanta oo Sabti ah qabtay banaanbax ay sheegeen inay uga soo horjeedaan diinta Islaamka.

 

 

melbourne-islam-bananbaax2-400x225

Balse banaanbaxa ayaa rabshado isku bedalay kadib markii kumanaan isbaheysiga kasoo horjeeda kooxahan cunsuruiyiint oo loo yaqaan Coalition Against Racism and Fascism ay isaga horyimaadeen nawaaxiga xarunta Baarlamaanka gobalka Victoria.

Kooxaha cunsuriyiinta ayaa waxaa ka tiro batay dadkii kale ee kasoo horjeeday ee difaacayey diinta Islaamka, gacan ka hadal halkaasi ka dhacay ayaa lagu khasbay cunsuryiina inay goobtaasi ka cararaan.

Boqolaal booliis ah ayaa isku dayey inay amniga sugaan isla markaana kala dhexgalaan labada dhinac, waxaana la xiray qaar kamid ah labadii kooxod ee banaanbaxa dhigayey.
Cunsuriyiinta United Patriots Front iyo Reclaim Australia ayaa sheegay inay bishan Luulyo (July) sii wadi doonaan banaanbaxyada ka dhanka ah Islaamka, halka isbaheysiga kooxaha kasoo horjeeda Cunsuriyiinta ee loo yaqaan Coalition Against Racism and Fascism ay dhankooda sheegeen inay cagta marin doonaan cunsuriyiinta doonaya inay islaamka iyo muslimiinta weeraraan.