Hordhaca Group D Champions League: Bayern Munich Oo Wajaheysa Koox Ruush Ah & PSV Iyo Atletico Madrid Oo Holland Ku Ciyaaraya Caawa.

0
Tuesday September 13, 2016 - 10:47:13 in by Burco Office
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Group D Champions League: Bayern Munich Oo Wajaheysa Koox Ruush Ah & PSV Iyo Atletico Madrid Oo Holland Ku Ciyaaraya Caawa.

    Bayern Munich v Rostov Garoonka: Allainz Arena Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Anthony Taylor (England)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich v Rostov Garoonka: Allainz Arena Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Anthony Taylor (England)


Kooxda Ruushka ee Rostov ayaa markii ugu horeysay ka qeyb qaadaneysa wareega group-yada Champions League laakiin tijaabo aad u adag ayaa hortaagan iyagoo kulankooda furitaanka ee Group D ee caawa wajahaya kooxda shanta jeer ku guuleysatay koobkaan ee Bayern München inkastoo uu tababare Carlo Ancelotti uu sheegay inuu filanayo inay kooxda Ruushka si aad ah isku soo agaasinto.

Kooxda Jarmalka ee Bayern Munich ayaa kaliya hal kulan u jirta inay rikoor cusub u dhigto tartanka iyagoo badinaya kulankoodii 14aad ee isku xigta ee Champions League ee ay ku ciyaaraan gurigooda.

bayern-munich-vs-rostov-match-preview-prediction-uefa-champions-league-group-d-2016-17

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Jarmalka waxaa caawa ka maqan Arjen Robben oo dhaawac ku maqan, halka daafaca Jerome Boateng uu isna la maqan yahay dhaawac muruqa ah halka Coman uu isna qabo dhaawac canqowga ah, laakiin marka seddexdaan ciyaartoy laga soo tago tababare Carlo Ancelotti waxaa taam u ah koox buuxda.

Kooxda Ruushka waxaa dhaawac kaga maqan Grigoryev halka Kudryashov uu kulanka caawa ee ka dhacaya Allainz Arena uu ku seegayo ganaax, Azmoun ayaa isa shaki la gelinayaa inuu caawa ciyaari karo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bayern Munich:Neuer; Kimmich, Martínez, Hummels, Alaba; Alonso; Müller, Thiago, Vidal, Costa; Lewandoswki.

Rostov:Dzhanaev; Terentyev, Gueye, Navas, Granat, Bayramyan; Kalachev, Gatskan, Noboa, Erokhin; Poloz.

 

psv-vs-atletico-madrid-match-preview-prediction-uefa-champions-league-group-d-2016-17

PSV Eindhoven v Atletico Madrid

Garoonka:PSV Stadion

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Martin Atkinson (England)

Kooxda finalka ka gaartay Champions League xilli ciyaareedkii hore Atletico Madrid ayaa Group D caawa ku furaneysa kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven waana ku celiska kulankoodii wareega 16ka ee xilli ciyaareedkii hore, inkastoo uu tababare Diego Simeone uu sheegay inay ka duwanaan doonto waqtigaan.

Atlético Madrid ayaa ku reebtay PSV Eindhoven xilli ciyaareedkii hore rigoorayaal iyagoo gaaray ilaa iyo finalka laakiin tababaraha kooxda Netherlands ka dhisan Philipp Cocu ayaa sheegay inaysan waqtigaan 15 fursadood sii doonin kooxda martida u ah caawa.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda PSV waxaa dhaawac gumaarka ah uga maqan Locadira halka xiddigaha Siem de Jong iyo Zinchenko aysan taam buuxda u aheyn inay ciyaaraan kulanka adag ee caawa ka dhacaya PSV Stadion. Marka laga reebo xiddigahaas tababare Cocu waxa uu heystaa koox buuxda uu ka soo xusho shaxdiisa.

Tababare Diego Simeone waxaa dhaawac kaga maqan seddex ciyaaryahan oo seegaya kulanka caawa waana Cerci, Moya iyo Vrsaljko kuwaasoo dhamaantood dhaawacyo ka qaba jilibka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

PSV Eindhoven:Zoet, Wilems, Moreno, Isimat-Mirin, Arias, Guardado, Hendrix, Propper, Perreiro, Luuk de Jong, Narsingh.

Atlético Madrid:Oblak; Juanfran, Godín, Giménez, Filipe Luis; Saúl, Gabi, Koke, Carrasco; Griezmann, Gameiro.