Roobab Xoogan Oo Sabab U Noqday In Xalayto La Baajiyo Kulankii Champions League Ee Man City & Borussia Monchengladbach & Waqtiga Dib Loo Ciyaarayo Oo La Xaqiijiyay.+Sawiro

0
Wednesday September 14, 2016 - 08:46:29 in by Burco Office
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Xoogan Oo Sabab U Noqday In Xalayto La Baajiyo Kulankii Champions League Ee Man City & Borussia Monchengladbach & Waqtiga Dib Loo Ciyaarayo Oo La Xaqiijiyay.+Sawiro

    Kulankii Manchester City ee wareega group-yada Champions League ee ay la ciyaari laheyd xalayto Borussia Dortmund ayaa dib loo dhigay iyadoo kulankaas oo ka tirsan Group C la ciyaarayo caawa saacada geeska Afrika marka ay tahay 9:45pm.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Manchester City ee wareega group-yada Champions League ee ay la ciyaari laheyd xalayto Borussia Dortmund ayaa dib loo dhigay iyadoo kulankaas oo ka tirsan Group C la ciyaarayo caawa saacada geeska Afrika marka ay tahay 9:45pm.


Roobab xoogan oo wata gugac iyo hilaacyo ayaa xalayto qabsaday magaalada Manchester taasoo keentay in kulanka Group C dib loogu dhigo sababo la xiriira cimilada oo xumaatay.

Warbixin ay soo saartay City ayaa lagu sheegay in go’aankaas la qaatay ka dib markii laga baqay amaanka taageerayaasha ciyaarta soo xaadirayay.

_91185735_etihadrain_reu

 

Tikidhadii loo iibsaday kulankii xalayto ayaa sidoo kale caawa shaqeyn doona.

Kooxda Bundesliga ayaa dooneysa in kulankaan la ciyaaro 8da fiidnimo waqtiga Geeska Afrika laakiin City ayaan heysanin waqtigaas ilaaliyayaal ku filan si ay codsigaas u fuliyaan.

Man City match postponed
Man City game called off
Man City game called off

Xalayto, mid ka mid ah agagaarka goolasha ayaa noqday kuwa ay biyo ka buuxsameen, halka sidoo kale roobabka dartood loo joojiyay basaska korontada ku socda ee Manchester.

Garsoore Bjorn Kuipers iyo cawiyayaashiisa ayaa qiimeeyay xaalada garoonka saacada Geeska Afrika markii ay aheyd 8:55pm, waxaana go’aan ciyaarta dib loogu dhigayo la gaaro 30 daqiiqo ka dib.

Monchengladbach players
Man City game called off
Man City tweet