War Deg Deg:Magaca & Sawirka ninkii ka Dambeeyey Weerarkii ka Dhacay Berlin Oo la Shaaciyey

0
Wednesday December 21, 2016 - 22:57:58 in by Burco Office
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Magaca & Sawirka ninkii ka Dambeeyey Weerarkii ka Dhacay Berlin Oo la Shaaciyey

    Barlin(AFKA)Booliska dalka Germany ayaa shaaciyey magaca iyo sawirka ninkii ka dambeeyey weerar loo adeegsaday gaari dad la jiirsiiyey oo habeen hore ka dhacay Suuq laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Berlin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlin(AFKA)Booliska dalka Germany ayaa shaaciyey magaca iyo sawirka ninkii ka dambeeyey weerar loo adeegsaday gaari dad la jiirsiiyey oo habeen hore ka dhacay Suuq laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Berlin. Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhintay, 49 kalena wey ku dhaawacmeen weerarkan oo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda ka baxday dowlada Islaamka ama Daacish.

Hadal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay inay Dokumenti uu ku qoran yahay magaca ninka laga shakisan yahay oo ah Anis A. ay ka heleen kursiga darawalka ee gaarigii lagu fuliyey weerarka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney horey u garanayeen ninkaasi oo 24-jir ah, kana soo jeeda dalka Tunisia, waxayna ka digeen inuu hubeysan yahay ayna ka dhici karto inuu weeraro kale geysto.

Wargeyska Der Spiegel ayaa qoray in ninka la baadi-goobayo uu isticmaalo labo magac oo kala ah Anis A iyo Ahmed A, wuxuuna wargeysku intaa ku daray in Ninkan baxsadka ku jira la siiyey fasax uu ku joogi karo Jarmalka bishii April ee la soo dhaafay, ayna hay’addaha Ammaanka dalkaas dusha kala socdeen dhaqdhaaqiisa.

Booliska ayaa weli baadi goobaya ninkan, iyagoo baaritaano ku sameeyey hoygiisa, waxayna dadka ka codsadeen in qofkii arkaa uu soo wargeliyo Booliska.

Shacabka magaalada Berlin ayaa ka walaacsan in ninkan baxsadka ku jira uu geysto weeraro kale, waxaana Booliska ay soo saareen digniino ku saabsan in dadku ay feejignaan dheeri ah muujiyaan.