Kumaan Ahay Anigu: Qormo Xiiso badan oo ka turjumaysa Dhalinyarada Wakhtigan iyo Masuliyaddooda W/Q Jimcaale Cawke
Agaasimaha arrimaha bulshada ee degmada berbera ayaa qormo xiiso badan ka sameeyey dhalinyarada guursata wakhtiyadan danbe iyo masuliyadooda iyadoo qormadani jawab u noqon karta kacdoon ay baraha bulshada ka sameeyeen dhalinyarada hargeysi Qormadan aya ku bilaabmaysa sidan: kumaan Ahay Anigu ??????
---------------------------------_____-------------------
Anoo yar baan maqlay waa la guursadaa, maalmo kalena waxaan indhahayga ku arkay aroosyo lasii galbinayo. Jeer danbe oo aan waynaadayna waxaanba ka qayb galay Mehero badan ila aan qaar malxiisba noqon gaadhay.
Habeeno danbe aan is yara waydiiyo horta maxaa kaa hor taagan inad adba guursato. guurso bay naftu igu celcelisay.
INAN gob ahayd oo hasaawe naga dhaxeeyay baa maskaxdayda qab kusoo tidhi. Haa waa in aan Iyada guursataa, isla caawa a u sheeg.
Habeen madaw baan u tagay Inanti Gobta ahayd, waxaanan markiiba u laqimay in aan go'aan ku gaadhay inaan guursado isla Wiigan insha llah.
Intay yaabtay hoostana ka faraxday bay tidhi horta waxba kama qabee maad shaqo tagtid si aan isugu filnaano. Cajiib!!!!!!!.
Waxaan waydiiyay miyaanad i jeclayn, kute haa, hadaba ilahay baa ina arsaaqayee Laabta usii daa baan ugu jawaabay.
Meher cajiiba ayaaba naloo gimgimay oo waa lay gurmaday ilayn meel laygaga hadho lama joogee, alla tolka iyo asxaabtu Gobsanaayeen macal arooski bay raaciyeen Dhag.
Muddo wiig aan ku qiyaasay waxaan seexday HURDADII CARUUSKA, nin seexday uun baa garanayee nolol iyo may ahayn dee. Xasuus uun iga dheh.
Sawnagan gurigi ku kaliyaysanay maaha waa sidee, aaway Tollki, aaway asxaabtii Bal adba.
Iyadaa fudude hasoo shaqayso bay nafti faq iigu tidhi, anna asxaabtayda ayaan u sheeko tagaa galinka danbe iyo habeekii, galinka horena waan iska hurdaa cunto diyaara ayaa miiska lay saaraa, meel laga keenay isma waydiiyo. Oo maxaan isku waydiinayaa saw ma qabo gabadhi gabdhaha.
Xaajiyadu habeenki ma seexato way fadhidaa uun dushayda waxay la seexan waydayna ma aqaan.
Se anigu dan kama galoo Waan aqaan wixii ii dan ah markiiba waan ka shubaa markaan sii mar meeshii......
Habeen bay ii sheegtay in ay Ilmo ii sido, Waa deeq Eebe ayaan ku idhi iskana seexday dhag.
Bal waa taase xanuunba haka kacdo, cunto waana ha igu dhaco, dharkii bal yaa maydhi saw kuwan Is tuulay, gurigu fool xumaa waa sidee hagaajis goorma ayaa ugu danbaysay. Taasina ma noo danbaysay.
Nafta markii aan la shawray waxaan go'aan saday inta ay xanuunsanayso ee ay sariirta wadhan tahay inaan asxaabtayda iyo meelaha iska seexdo.
Imika caruurtu waa afar meelahaa mise talow shan bay ahayeen Mojji, bal adba. Gurigayga waxaan joogaa intay cafimaadsan tahay maalintay Caloosheeda ilmo galaan ee ay sariirta jiifsato anna asxaabtayda ayaan iskala jiifsadaa Maxaa iiga gidhiija. Ku darsoi caruurtaydu waa isku Nuug hal hal bay kala way yihiin nin adg dheh.
Kumaan ahay Anigu????????????????.

W/Q: Jimcaale Cawke
Berbera Somaliland

0 

Kumaan Ahay Anigu: Qormo Xiiso badan oo ka turjumaysa Dhalinyarada Wakhtigan iyo Masuliyaddooda W/Q Jimcaale Cawke
Agaasimaha arrimaha bulshada ee degmada berbera ayaa qormo xiiso badan ka sameeyey dhalinyarada guursata wakhtiyadan danbe iyo masuliyadooda iyadoo qormadani jawab u noqon karta kacdoon ay baraha bulshada ka sameeyeen dhalinyarada hargeysi Qormadan a