Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Waramay Kulan Wefti Uu Hoggaaminayaa La Yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Shaqada Ee Jabuuti

0
Friday April 18, 2014 - 13:16:59 in by Super Admin
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Waramay Kulan Wefti Uu Hoggaaminayaa La Yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Shaqada Ee Jabuuti

    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa shalay kulamo la yeeshay masuuliyiin ka mid ah xukuumadda Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa shalay kulamo la yeeshay masuuliyiin ka mid ah xukuumadda Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.



Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Md. Xirsi CalI Xaaji Xasan oo uu wehelinayo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland, Cabdirisaaq Khaalif Axmed, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha Arrimaha Bulshada ee dalkaasi, Cabdi Xuseen Axmed.


Kulankaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee caasimadda Jabuuti, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa saxaafadda uga waramay isla-markaana faahfaahiyey waxyaabihii lagaga wada hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanu sheegay in maadaama oo ay safar shaqo ku joogaan dalka Jabuuti uu kulankani qayb ka ahaa ujeedada safarkooda "Safar shaqo ayaanu ku nimid dalka Jabuuti, kaas oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo Jabuuti, waxaanuna maanta (shakay) kulamo la qaadanay Wasiirada Khaarajiga iyo Wasiirka Shaqada oo aanu ka wada hadalnay xidhiidhka labada waddan iyo saxiibtinimada ka dhaxaysa si fiicana way noogu dhammaatay..”


Wasiirrada Somaliland ayaa doraad ka dhoofay dalka, waxaana la filayaa inay sii wadaan kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti. Geesta kale, muddooyinkii u dambeeyay waxaa laga dareemayay labada dhinac ee Somaliland iyo Jabuuti kor u kac ka muuqda dhinaca xidhiidhka, iyadoo waftiyo tiro badan ay is dhaafsadeen labada dal. Inkasta oo aanay ilaa hadda hirgalin qorshe ahaa in dawladda Jabuuti ay safaarad ka furato dalka Somaliland, qorshahaasi oo ay hore uga wada hadleen xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadda Jabuuti ee Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, hasa-yeeshee waxa la saadaalin karaa in dawladda jabuuti wakhtigan ku qanacday inay safaarad ka furato Hargeysa, maadaama oo xidhiidhka labada xukuumadood aad u sareeyo.

 




Afkashacabka.com

Djobouti/Office

Contact@afkashacabka.com