Sport: Everton oo 3 iyo 1 ku Garaacday Chelsea iyo Steven Naismith oo sadexlay dhaliyay

0
Saturday September 12, 2015 - 18:01:44 in by Hargeysa Office
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sport: Everton oo 3 iyo 1 ku Garaacday Chelsea iyo Steven Naismith oo sadexlay dhaliyay

    Sport: Everton ayaa 3 iyo 1 ku Garaacday Chelsea iyo Steven Naismith oo sadexlay dhaliyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sport: Everton ayaa 3 iyo 1 ku Garaacday Chelsea iyo Steven Naismith oo sadexlay dhaliyay

Chelsea vs Everton cover

Everton ayaa garoonkeeda Goodson Park ku soo dhaweysay kooxda macalin Mourinho e Chelsea iyagoo raadinayay iney ka aar gutaan kadib markii ay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge ay lix gool kaga soo dhalisay garoonkooda xili ciyaareddkii hore.

Chelsea ayaa minin iyi martiba ku garaacday kooxda macalin Robert Martinez xili ciyaareedkii hore waxayna labada kooxood ba isku dayayeen iney guulu gaaraan kualnkaan muhiimka u ahaa niyad dhiskooda maadaama ay qaba ciyaareed aan fiicneyn ay horyaalka ku bilowdeen labada kooxba.

Evertoo oo marti loo ahaa ayaa si fiican ku bilaabatay kulankaan, waxayna awood u yeesheen iney bilowgiii qeybtii horeba ay hogaanka la wareegaan kadib markii kubad ay ciyaartooyda Everton si fiican uga soo shaqeeyeen oo shabaqa ku hubsaday wiilka badalka ku soo galay ee Steven Naismith oo badalay Bersic oo dhaawac looga saaray ciyaarta, waxayna goolka koowaad la yimaadeen daqiiqadii 17aadee ciyaarta.Naismith Goal 1st

Kooxda martida loo ahaa ayaana intaa ku joojinin dadaalkooda waxaana durbaba labo kubadood oo goolal loo fishay ka kala badbaadiyay Arone Kone oo karoos qurux badan ka helay Coleman iyo Mcarthy oo banaanka kasoo toogtay goolhayaha Chelsea ee Asmir Begovic.

Howsha ayaana intaa ku dhamaan ee isla qeybtii hore ee ciyaarta ayeey kooxda martida loo ahaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaan markale kubad qurxoon oo ay kasoo wada shaqeeyeen ciyaartooda Everton shabaqa ku hubsaday Steven Naismith daqiiqadii 22aadee ciyaarta.Naismith 2nd Goal


Chelsea ayaa markaas kadib soo baraarugtay waxyna bilowday iney dib isku soo kiciso iyagoo bilaabay iney raadiyaan goolal, dadaalka Chelsea ayaana noqon mid lagu hungoobay, waxana gool aad u qurux badan shabaqa Tim Howard dhex dhigay xidiga khadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic, kaasoo meel ka baxsan diilinta ganaaxa kooxda Everton shabaqa kaga soo toogtay gantaal ah daqiiqadii 36aad ee ciyaarta, waxaan caawiye ka ahaa John Obi Mikel.Matic Goal

Markii qeybtii danbe dib la isugu soo laabtay ayuu macalin Mourinho badal ku soo galiyaya xidiga kooxdaiisa ee Kannedy oo kulankiisii ugu horeeyay safanayay laakin, saameyn kuma uusan yeelan ciyaarta.

Daqiiqadii 88aad ee ciyaarta iyadoo ay Chelsea ay raadineyso goolkeeda barbaraha ayeey xaalada ku sii xumatay markii uu Naismith uu dhaliyay goolkiisi sadexaad ee ciyaarta.

Naismith 3rd goal

Ciyaarta ayaa ugu danbeyn ku dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Everton, taasna waxay ka dhigeysaa in Chelsea ay haatan la kulantay guuldaradeedii sadexaad oo xiriir ah.