Booliis Dheerad ah oo la geeyay Qudus

0
Saturday September 19, 2015 - 18:36:13 in by Hargeysa Office
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliis Dheerad ah oo la geeyay Qudus

    Israa'iil ayaa boqolaal booliis dheerad ah gaysay Qudus kaddib maalmo ay socdeen isku dhacyo u dhaxeeya Falastiiniyiin mudaaharaadaya iyo laamaha ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil ayaa boqolaal booliis dheerad ah gaysay Qudus kaddib maalmo ay socdeen isku dhacyo u dhaxeeya Falastiiniyiin mudaaharaadaya iyo laamaha ammaanka.

Xiisadda ayaa inteeda badan ku wajahan masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa, kaas aad muhiim ugu ah Islaamka iyo Yuhuuda.

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ah ayaa ku dhawaaqay maalin caro oo xaaladda Al-Aqsa ku aadan.

Falastiiniyiinta waxaa kale oo ka caraysiiyay qorshayaasha Israa'iil ee ku aadan in ay booliiska u ogolaadaan in ay rasaas ku furaan dadka dhagaxaanta soo tuura.

Qof Israa'iili ah oo mooto waday ayaa bilawgii todobaadka u geeriyooday shil uu sababay dhaqaxaan la soo tuurayay.

Xaalado ammaan daro ah ayaa la soo sheegay jimcihii.