Kooxda Barcelona Oo Bisha Janaayo Gacanta Kusoo Dhigi Doonto Labada Xidig Ee Naadiga Valencia Ugu Muhiimsan Waa Kuwee?

0
Thursday October 01, 2015 - 10:52:31 in by salman abdi
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Barcelona Oo Bisha Janaayo Gacanta Kusoo Dhigi Doonto Labada Xidig Ee Naadiga Valencia Ugu Muhiimsan Waa Kuwee?

    Wargeska El Mundo Deportivo oo inta badan xanta iyo xaqiiqada kooxda Barcelona ku saabsan lagu soo daabaco ayaa arimo muhiim ah qoray. Wargeskan ayaa sheegay inuu helay xog ku aadan in kooxda Barcelona ay bisha Janaayo lasoo saxiixan doonto labada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeska El Mundo Deportivo oo inta badan xanta iyo xaqiiqada kooxda Barcelona ku saabsan lagu soo daabaco ayaa arimo muhiim ah qoray. Wargeskan ayaa sheegay inuu helay xog ku aadan in kooxda Barcelona ay bisha Janaayo lasoo saxiixan doonto labada xidig ee naadiga Valencia ugu muhiimsan Shkodran Mustafi iyo Sofiane Feghouli.


Sofiane Feghouli waxay Barcelona u adeegsan doontaa inuu buuxiyo booskii uu baneeyay Pedro oo xagaagii dhawaa kooxda Chelsea ku biiray.

Sidoo kale Sofiane Feghouli wuxuu ka mid yahay xidigaha La Ligaha ugu wanaagsan sidoo kalena sanadihii dhawaa hormar wanaagsan sameeyay.

Shkodran Mustafi oo daafaca dhexe ka cayaaro sidoo kalena xulka Jarmalka ka tirsan ayaa ka mid ah daafacyada loogu baadi goobka badan yahay Yurub sidoo kalena naadiga Real Madrid ayaa xidigan saxiixiisa xiiseyneso.

Sida darteed macalin Luis Enrique oo ka warqabo dhibaatada dhanka daafaca kooxdiisa ka heesato ayaa xooga saari doono sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Shkodran Mustafi.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Barcelona soo xero galinta labadan daafac ay ugu tala gashay 50-milyan oo euro ah.