Daawo:Suldaan Wabar oo Dalka Dibaddiisa ugu dhoofay Xaalad Caafimaad iyo Maleeshiyadiisi oo Xukuumadda Somaliland u soo galay

0
Monday November 16, 2015 - 18:26:45 in by salman abdi
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Suldaan Wabar oo Dalka Dibaddiisa ugu dhoofay Xaalad Caafimaad iyo Maleeshiyadiisi oo Xukuumadda Somaliland u soo galay

    Maleeshiyada Suldaan Wabar taageerada u ahaa in ku dhaw sanad ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada qaranka Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyada Suldaan Wabar taageerada u ahaa in ku dhaw sanad ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada qaranka Somaliland,

kadib markii munaasibad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Abuqays oo ku taala xuduudka Ethiopia iyo Somaliland meel aan ka fogayn Boorama.

65ecbb3f7bacd007cfd2fece091b5b74_L

Munaasibadda lagu soo dhaweeyay Maleeshiyada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Awdal Mr Ramaax, madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, hogaan dhaqameedka Awdal iyo dadweyne kale.

Waxaa munaasibaddaasi lagu sheegay inay hab nabada ku soo dhammaadeen kacdoonnadii muddooyinkii u dambeeyay ka socday gobolka Awdal oo sababay dhimashada dad iyo dhaca hanta ay ka mid ahaayeen gaadiid Somaliland leedahay.

Suldaan Munaasibaddaasi ka qayb galay ayaa BBC-da u sheegay in Suldaan Wabar iskaga baxay dalka, islamarkaana ku laabtay waqooyiga America oo uu hore uga yimid intii aan laga dhigin Suldaan. Isagoo muddo kooban Suldaan ah ayuu bilaabay inuu galo buuraha isagoo ku doodaya in Somaliland duudsida xuquuqda bulshada Awdal.

Xubno u hadlay Maleeshiyada oo tiradooda lagu sheegay in ku dhaw 70 ay qoryo sitaan in ka badan 10 ayaa sheegay inay ka tanaasuleen mawqifkoodii ay kaga soo horjeedeen Somaliland diyaarna u yihiin inay ciidanka Somaliland ku biiraan, waxaana la qorshaynayaa in la siiyo tababaro si ay militariga Somaliland uga mid noqdaan.

Arrintan ayaa soo dhammaatay kadib wada hadallo dhinacyada u socday, waxaana la rumaysan yahay inay soo dedejisay heshiiskii dhinaca ammaanka ku saabsanaa ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia oo xilli sii horaysay sababay in Suldaan Wabar laga soo saaro Ethiopia.

Maleeshiyadii kooxda Suldaan Wabar ayaa soo dhawayn loogu sameeyay Magaalada Boorame. Mujaahid Cabdiraxmaan Tolwaa oo aha Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland yeelato ayaa isna door weyn ka qaatay soo xero gelinta maleeshiyadaas muddada buuraha ku jiray