Dawladda Dalka Suuriya Oo Ay Maanta Kaga Eegtahay Xilligii Loo Qabtay Inay Soo Wareejiso Hubkeeda Halista Ah

0
Sunday April 27, 2014 - 20:02:40 in by salman abdi
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Dalka Suuriya Oo Ay Maanta Kaga Eegtahay Xilligii Loo Qabtay Inay Soo Wareejiso Hubkeeda Halista Ah

    Dawladda dalka Suuriya ayay maanta kaga eegtay xiligii loo qabtay inay soo wareejiso hubkeeda halista ah ee gaasta sunta ah. Taas oo ay u qabteen hay'addaha ku shaqada leh mabnuucida hubkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda dalka Suuriya ayay maanta kaga eegtay xiligii loo qabtay inay soo wareejiso hubkeeda halista ah ee gaasta sunta ah. Taas oo ay u qabteen hay'addaha ku shaqada leh mabnuucida hubkaasi.


Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dawladda Mareykanka ay sheegtay inay ka walaacsan tahay in ciidamadda dawladdu ay gaaska koloriinta u adeegsadeen sida hub oo kale.

Hay’adda OPCW ayaa sheegtay in xilliga looga saarayo kiimikada dalka Suuriya inuu muhiim yahay.

Qiyaastii ugu dambeysay ee ay soo bandhigtay hay’adda ayaa muujineysay in boqolkiiba 86 sunta hubka laga sameeyo laga saaray dalka Suuriya.Xittaa haddii dowladda Suuriya ay ku wareejiso xilliga kamadambeysta ka hor, howlgalkan taariikhiga ah waxaa dhaawacaya weerarada loo adeegsanayo gaaska koloriinta.

Koloriin waxaa sameeya warshado aad u badan oo isticmaala, mana ka mid aha hubka mamnuuca ah sida ay shaaca ka qaadeen kooxaha u ololeeya mucaaradka, balse in koloriinta loo adeegsado sida hub oo kale, waxay jebineysaa sharciga caalamiga ah ee hubka kiimikada ah.

Heshiiska uu madaxweyne Asad ku ballan qaaday inuu wareejiyo 1,300 oo xarun oo lagu keydiyo suntan kiimikada ayaa si cad waxaa loo arkaa inuu isaga difaacaayay tallaabo meleteri oo uu kala kulmo Mareykanka.

Haddii koloriinta ay noqoto hub, waxa uu noqonayaa suntan kiimikada way sii soconeysaa, xittaa haddii howoolgalka uu ku guuleysto in dalka oo dhan laga sifeeyo awoodda kiimikada.

Dowladda Bishar Al-Asad ayaa diidan in dalka ay geysay banbooyin ka sameysan koloriin. 


AFKASHACABKA.COM

 HARGAYSA/OFFICE 

CONTACT@AFKASHACABKA.COM