Soomaalida Ku Dhaqan Minneapolis Iyo Sugaan Yahano Caan Ah Oo Qabtay Kulan Loogu Boroordiqayo Marxuum Wariye Cawke.+Sawiro
Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay xalay kulan loogu duceynayay ALLAHA u Naxariistee, Wariye Axmed Xasan Suufi Cawke, waxaana kasoo qayb-galay saxafiyiin, abwaanno, fannaaniin, macallimiin & saaxiibo gooni ah oo uu lahaa.
Kulankaoo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuuna marxuumka Illaahey uga baryay inuu u dambi dhaafo ,Jannadiina ugu bishaareeyo
Waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Maxamed Mursal iyo C/raxmaan Sheekh Mursal oo ka mid ah wariyeyaashii ay ka soo wada shaqeeyeen warbaahinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan Radio Muqdisho."Cawke wuxuu ahaa wariye wadani ah, aftahan ah, xigmad badan, fir-fircoon, mar kastana diyaar u ahaa shaqadiisa” ayuu yidhi C/qaadir Mursal oo intaas ku daray. "Cawke sidoo kale wuxuu ahaa xirfadle saxaafadeed oo aqoon durugsan u leh warbaahinta iyo dhaqankeeda”
Macallin Siciid Saalax ayaa isagana kulanka ka sheegay in Cawke ahaa saaxiibka qof kasta oo Soomaaliyeed. "Wuxuu ahaa nin wanaag iyo karti leh, waana ka xumahay geeridiisa, Illaaheyna waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisgto,” ayuu yiri Macallin Siciid Saalax
Hibo Nuura iyo Cadar Kaahin oo ka mid ah fannaaniita Soomaaliyeed ayaa iyana sheegay inay aad uga naxeen geeridda Cawke. "Magaca Hiba – Nuura – waxaa ii bixiyay Cawke, wuxuuna ahaa shaqsi igu weyn oo Soomaaliyeed, wuxuu ahaa nin cid kasta la kaftama.”
Soomaalida Ku Dhaqan Minneapolis Iyo Sugaan Yahano Caan Ah Oo Qabtay Kulan Loogu Boroordiqayo Marxuum Wariye Cawke.+Sawiro
Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay xalay kulan loogu duceynayay ALLAHA u Naxariistee, Wariye Axmed Xasan Suufi Cawke, waxaana kasoo qayb-galay saxafiyiin, abwaanno, fannaaniin, macallimiin & saaxiibo gooni ah oo uu lahaa