Rasmi:Ashley Cole Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah.

0
Monday May 12, 2014 - 07:31:04 in by salman abdi
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi:Ashley Cole Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah.

    Daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa goor dhaw Boggiisa Twitterka ku shaaciyay inuu si rasmi ah ugu fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa goor dhaw Boggiisa Twitterka ku shaaciyay inuu si rasmi ah ugu fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Ashley Cole ayaa sheegay in tababaraha xulka qaranka England Roy Hodgson uu u sheegay inuusan ku jirin 23 ka ciyaar yahan ee uu ku dhawaaqi doono barito wuxuuna sheegay inuu jecleestay inuu fursad siiyo ciyaartoyda soo koraya.

"Waxaan go,aansaday inaan is casilo kadib markii uu Hodgson ii sheegay inaan kamid ahaan doonin ciyaartoyda uu u xulan doono koobka adduunka” ayuu ku soo qoray Cole Boggiisa Twitter-ka.

 

"Waxaan leenahay xul qaran oo cajiib ah kaliya waxaan u rajaynayaa guul, waxaana u ahaan doona taageero wayn, dhamaan waad ku mahad santihiin wax walba”.

"Leighton Baines iyo Luke Shaw waa ciyaartoy waa wayn taasna waxay sugeen xili ciyaareed kan, waa mustaqbalka wadan kaan, waxaa farxad ii ahaan laheed inaan fursad u helo inaan xulka u safto 107 kulan”.


Markasta iyo wakhti kasta Ciyaraha Udanbayay Kale Saco Shabakada Afkashacabka.com