Ururka Tababarayasha Ingiriiska Oo Rodgers U Magacaabay Tababaraha Sanadka Ee Horyaalka Ingiriiska

0
Tuesday May 13, 2014 - 11:24:49 in by Super Admin
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Tababarayasha Ingiriiska Oo Rodgers U Magacaabay Tababaraha Sanadka Ee Horyaalka Ingiriiska

    Ururka ay iska leeyihiin tababarayaasha horyaalka ingiriiska ayaa ku sharfay tababraha liverpool Rodgers inuu yahay tababarihii ugu wanaagsanaa sanadkan horyaalka ingiriiska sidaana waxay ugu magacaabeen tababaraha sanadka ee horyaalka ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka ay iska leeyihiin tababarayaasha horyaalka ingiriiska ayaa ku sharfay tababraha liverpool Rodgers inuu yahay tababarihii ugu wanaagsanaa sanadkan horyaalka ingiriiska sidaana waxay ugu magacaabeen tababaraha sanadka ee horyaalka ingiriiska.


 Rodgers ayaa Liverpool ka soo qaaday kaalinta 7 aad oo ay sanadkii hore ku dhamaysteen horyaalka wuxuuna ka dhigay koox tartar adag u gashay horyaalka ingiriiska waxayna hadda ku horyaalka ku dhamaysatay kaalinta labaad. Rodgers ayaan haysan koox awood leh oo uu tartan adag ku galo wuxuun sare ka maray kooxda lacagta badan la galiyo ee Chelsea.

 

Rodgers waxaa kula tartamayay tababaraha ugu wanaagsan ee sanadka tababaraha kooxda Crystal palace Tony Pulis oo isaguna wacdaro layaableh ka dhigay horyaalka intiisii danbe isagoo C.palace ka soo qaaday meel hoose soona gaadhsiiyay badhtanka kala saraynta horyaalka.wuxuuna Tony Pulis ayaa galay kaalinta labaad ee tababaraha sanadka ugu fiican. waxaa kaalinta saddexaad soo galay tababaraha kooxda Everton Roberto Martinez oo Everton u tartan siiyay inay kaalinta afraad ee loogu soo baxo horyaalka yurub ee Champions leaque . 

Inkasta oo uu tababaraha Man City Pellegrini uu ku guulaystay horyaalka ingiriiska iyo waliba Curling Cupka hadana muu soo galin kaalmaha koowaad illaa saddexaad.





Afkashacabka.com /Sports

Contact@afkashacabka.com