Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamal Ali Hussein oo Tacsi u diray qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxay Xildh Cabdalle Jaamac Guuleed (Cabdalle Kidaare)

0
Sunday May 18, 2014 - 13:11:25 in by Super Admin
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamal Ali Hussein oo Tacsi u diray qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxay Xildh Cabdalle Jaamac Guuleed (Cabdalle Kidaare)

    oo Ku geeriyooday magaaladda Berbera, Aqoonyahan Jamal Ali Hussein oo Qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ka tacsiyadeeyey Qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku waxau yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

oo Ku geeriyooday magaaladda Berbera, Aqoonyahan Jamal Ali Hussein oo Qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ka tacsiyadeeyey Qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku waxau yidhi: "Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii iyo qaraabaddii Xildh Cabdalle Jaamac Guuleed (Cabdalle Kidaare) oo Ku geeriyooday magaaladda Berbera. Xildh Cabdalle OO ka mid ahaa tiirarka waaweeyn Ee Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo, dhamaanteena Ilaahay Samir Iyo iimaan haynagga siiyo. Markii iigu danbeysay Berbera February sanadkan isagaa xafladdii xidhiidhinaayey. Wuxuu ahaa ninkii xaafiskii Ugu horeeyey u furay Xisbiga Kulmiye, markii danbe Ee ay xukuumadda noqdeena ka baxay Ee UCID Ku biiray. Ilaahay haw naxariistee Wuxuu ka mid ahaa Golahii deegaanka Ugu horeeyey Ee magaaladda Berbera Ee 2002 gii la doortay. Wuxuu ahaa shakhsi Ku sifoobay Hal adayg, mawqif cad oo aan la iibsan karin. Ilaahayoow jannadda u fududee."





Jamal Ali Hussein 
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID