Deg Deg Daawo;Shil Baabur Oo Ka Dhacay Deganka Aw-Barkhadle iyo Waftigii Cirro Iyo Madaxwayne Siilanyo Oo Ku Kulmay Goobtas,

0
Saturday September 17, 2016 - 16:48:48 in by salman abdi
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Daawo;Shil Baabur Oo Ka Dhacay Deganka Aw-Barkhadle iyo Waftigii Cirro Iyo Madaxwayne Siilanyo Oo Ku Kulmay Goobtas,

    Waxa maanta jidka wayn ee isku xidha magaalooyinka hargeysa iyo berbera ka dhacay shil baabuur oo aad u naxdin badan isla markaana sababay khasaare dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta jidka wayn ee isku xidha magaalooyinka hargeysa iyo berbera ka dhacay shil baabuur oo aad u naxdin badan isla markaana sababay khasaare dhaawac.

Waxaana shilkan baabuur uu ka dhacay duleedka tuulada Aw-barkhadle,iyada oona ay isku dhaceen laba baabuur oo kala ahaa gawaadhida loo yaqaano VITS ama Dukhaan iyo mid kamida gaadhi ay saarnaayeen ciidamada ilaalada gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro oo saaka safar ugu baxay degmada Dacar-budhuq ee gobolka saaxil.

Waxaana shilkan baabuur uu sababay sida naloo sheegay khasaaraha dhaawaca 5 qof oo la kala socday labada gaadhi iyagana oona dhaawaca dadkaasi loosoo qaaaday cusbitaalka magaalada hargeysa.

Darawalkii waday gaadhiga yar ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u adag tahay wallow ay dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa la tacaalayaan xaaladiisa.

Isku dhaca labadan baabuur ayaa naloo sheegay inuu ka dhashay kadib markii uu darawalkii waday gaadhiga yare e VITZ-ta ah uu is yidhi dhaaf gaadhi booyada intaasi kadibna ay si kadis ah iskugu soo baxeen gaadhigan ay wateen ilaalada gudoomiye Cirro oo ahaa Landgurezer,halkaasina uu ka dhashay isku dhacaasi.

Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo iyaguna u socday degmada Dacar-budhuq ayaa goobta soo gaadhay oo la kulmay shilkan foosha xun ee ka dhacay duleedka tuulada Aw-barkhadle.

123456