Militiriga Thailand Oo Amar Ku Bixiyay In Dadku Ay Si Lacag La'aan Ah Ku Daawadaan Koobka Adduunka.

0
Thursday June 12, 2014 - 11:47:37 in by Super Admin
  • Visits: 1390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Militiriga Thailand Oo Amar Ku Bixiyay In Dadku Ay Si Lacag La'aan Ah Ku Daawadaan Koobka Adduunka.

    Militiriga ayaa sheegay in arintaan ay qeyb ka tahay olalahooda farxada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Militiriga ayaa sheegay in arintaan ay qeyb ka tahay olalahooda farxada,


Madaxa militiriga Thailand ee dhawaan afganbi kula wareegay talada dalkaas ayaa ku amray shikrada telifishinada inay hubiyaan in taageerayaasha kubada cagta aysan bixinin wax lacag ah marka ay daawanayaan dhamaan kulamada Koobka Adduunka.

_75466110_75466092

Militiriga ayaa sheegay in arintaan ay qeyb ka tahay olalahooda farxada, taasoo ay ku jirtay waxyaabo kale oo cajiib ah sida timo xiirasho bilaash ah, riwaayado lacag la’aan ah.

Shirkada iibsatay xaquuqda Koobka Adduunka ee Thailand ayaa lagu soo waramayaa inay dowlada militiriga ka codsaneyso 21.3 milyan doolar oo magdhow ah.

Madaxa militiriga ayaa afganbi ku qabsaday talada dalka bishii hore, waxaana ay balanqaadeen inay soo celinayaan kala danbeynta.

Magaalada caasimada ah iyo qeybo ka tirsan dalka ayaa weli waxaa ka jira bandow.

Militiriga ayaana isku dayaya in dadka ay ku indho sarcaadiyaan waxyaabo farxad gelinaya si aan loo arkin caburintooda.

Waxaana arintaas qeyb ka ah in shacabka Thialand loo ogolaado inay daawadaan Koobka Adduunka iyadoo aysan waxba ka bixin.

TV-ga RS ayaa iibsaday xuquuqda Koobka Adduunka, waxaana ay qorsheynayeen in kaliya seddex meelood meel ka mid ah ciyaaraha Koobka Adduunka in si bilaash ah lagu daawado.

Laakiin militiriga ayaa doonaya in RS ay u celiyaan lacagtii ka baxday islamarkaana ay dadka u sahlaan in Koobka Adduunka si bilaash ah lagu daawado.




Afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com