Akhriste weligaa ma is tidhi awooddii alle ku siiyay ma aad isticmaalin? Ma u malaysay in aad waxbadan soo kordhin kari lahayd?

0
Saturday June 21, 2014 - 01:39:40 in by Cerigabo Office
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriste weligaa ma is tidhi awooddii alle ku siiyay ma aad isticmaalin? Ma u malaysay in aad waxbadan soo kordhin kari lahayd?

    Hal-abuur nimada qof uu leeyahay waxa in badan saameyn togan iyo mid tabanba ku yeesha degaanka ku xeeran, suura gal ma aha in qofku uu ka go,naado degaanka uu ku nool yahay.haddaba caqabadaha qofka ka hor istaaga in kartidiisu soo if baxdo waxa ka m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal-abuur nimada qof uu leeyahay waxa in badan saameyn togan iyo mid tabanba ku yeesha degaanka ku xeeran, suura gal ma aha in qofku uu ka go,naado degaanka uu ku nool yahay.haddaba caqabadaha qofka ka hor istaaga in kartidiisu soo if baxdo waxa ka mid ah:

 

CAQABADAHA HAL-ABUURNIMADA


Akhriste weligaa ma is tidhi awooddii alle ku siiyay ma aad isticmaalin?

Ma u malaysay in aad waxbadan soo kordhin kari lahayd?

 

Hal-abuur nimada qof uu leeyahay waxa in badan saameyn togan iyo mid tabanba ku yeesha degaanka ku xeeran, suura gal ma aha in qofku uu ka go,naado degaanka uu ku nool yahay.haddaba caqabadaha qofka ka hor istaaga in kartidiisu soo if baxdo waxa ka mid ah:

1-Shakhsiyadda qofka

Dadku waxa uu ka mid yahay noole wadareedyada ifka jooga, waa dareen ku noole in badan ay saameeyaan isbedbeddalada maalmuhu, suura gal ma aha in aad faraxsanaato iyada oo aad joogto meel buuq badan amaba geeri. Haddaba hal-abuurrada dhabta ah waa kuwa kasoo dhex baxa meerta nololeedyada ugu kakan, waxa ay godliyaan wakhtiga iyo dareenka naftooda marka waayuhu uu gaagaxsanyahay.

 

2-Kalsooni-darro qofka haysata

Kalsooni darradu waxa ay ka mid tahay waxyaalaha qofka tabbeelaha ku noqda, waxa uu ka baqaa qofka aan kalsoonida lahayni in ay dadku dhaleeceeyaan, waxa uu ka haybadaystaa bulshada ku xeeran in aanu waxba dheeraan Karin, waxa uu ka baqaa in la barbar dhigo dad ka sarreeya kaddibna uu hoos u dhac la kulmo. Kalsoonida naftu waxa ay la horumarta khibradda iyo waaya aragnimada guuldarrada iyo joogtaynta, ma aha in guuldarradu iska kaa dhaafto laakin waa in aad wax ka barataa.

 

 

 

 

 

 

3-Baqdinta qofka ee ah in la dhaleeceeyo.

Fikradda ah in aad hal-abuur la timaaddo ayaa asalkeedu uu yahay in la khilaafo wax hore uga dhex jiray bulshada, bulshooyinkuna asal ayay u leeyihiin in ay ku dhegganaadaan waxii ay hore u haysan jireen, sidaas darted marwalba waxa caadi iska ah in aad dhaleecayn la kulmayso, balse waxa ay ku xidhan tahay sida aad dhaleecayntaas u qaadato.

 

4-Aragtida ku aaddan guusha

Aragtida ah in guushu ay tahay hanta fara badan oo qofku helo ayaa ah ta majara habaabisay. Guushu waa in qofku uu dareemo in uu wax qabtay, in uu wax soo kordhiyay. Daba orodka hantidu waxa uu qofka ka dhigaa horror aan bulshada iyo sharafta midna eegin. Cilmi-baadhistii u dambeysay ee USA laga sameeyay waxa ay guusha ku qqexday in ay tahay " Dhacdo muhiim ah oo aad ku faani karto noloshaada inta ka dhiman”

 

5-Isbarbardhigga cid kale

Hal-abuurku waa qof marwalba diida in uu isbarbar dhigo cid kale . hal-abuurku waxa uu ka duulaa kartida iyo awoodda alle siiyay

 

6-Dhacdooyin aan wanaagsanayn

Waxa hubaal ah in qofka degaanku uu saamaynayo, siiba haddii uu yahay qof da,yar. Tusaale ahaan wiil yar ayaa sheekooyin raba in uu qoro ama ay shidaysaa hibada abwaannimo, marka uu waalidkii u sheego ayaa niyad jabiyeen, iyaga oo leh weli waad yartahay, ama aabbe ma innagaa gabayba hiddo u lahayn, markaas ayaa qofkii yaraa uu khajil iyo niyad jab dareemayaa.

 

7-Qofka oo an naftiisa aqoon u lahayn

Qofku in uu naftiisa helaa ma aha mid sahlan. Filasuuf la odhan jiray "Hiiraagiilt” ayaa lahaa, "Bini,aadamku waa noole noloshiisa dhan ku qaata sidii u ogaan lahaa naftiisa iyo waxa ku xeeran”

 

8-Baqdin ka dhan ah kelinnimo

Culimada cilmiga bulshada badhkood ayaa qaba in kelinimadu ay tahay furaha hal-abuurnimada balse waa ay adagtahay, waxa jira in bulshooyinka wacyiga ka dhex jira badanka uu yahay mid aan habboonayn.

 

 

 

 

Qalinkii: Jamaal C/raxmaan Bullaale

Burco, Somaliland