
Arooskii Qarniga oo xalay Burco ka dhacay iyo Lamaanihii ugu gaagaabnaa oo Xalay Nolosha ku midoobay+SAWIRO
Haddii Aad hore u maqasheen Aroosyo u qabsoomay Dhegoolayaal, indhoolayaal iyo Curyaamin Xalayna Waxa Burco ka dhacay Arooskii Dadka Gaagaaban, oo ay ku aqal galeen lammaane isku doortay Gaabnida kana mid ah Dadka ugu gaagaaban Somaliland, Madasha Arooska waxa soo Buux dhaafiyey Dad weyne tiro badan oo lagu soo casuumay iyo dad iyagu maqlay in aroos aan noocisu magaalada hore uga dhicin caawa ka dhacayo goobta aqalgalka, sido kale Jawan iyo Sooraan ayaan Goobta ka maqnayn, su'aasha ugu badan ee xalay la is weydiinayey ayaa ahayd "ma Gaabanaa kaguursaday iyo mida gaaban xagguu ka helay?"
Caruuska Magaca uu caanka ku ahaa ee magaalada Burco looga yaqaanay Wuxu Ahaa Gaabane , iyadoo uu ugu baxay Hadalo halhays uu ulaha oo ay kamid ahayd Gaabane Ciyaar mood, shaqadiisa ugu badan ee lagu yaqaanay waxay ahayd Iibinta iyo samaynta Midiyaha, Gudimaha, Gundhiska iyo qalabka kale ee tumaalku sameeyo oo dhan, wuxu la wareegi jirey Suuqa mana lahayn goob loogu yimaado oo u fadhiisto, Caruusada warbixinteeda dib ayaan ka soo gudbin doona walow anay ka mi dahayn dad ka suuq jooga ah ee ganacsiga ku jiray.
Hadab Arooskii Xalay ayaa ahaa midkii ugu hadalhaynta badnaa waayadan danbe ee Magaalada Burco ka dhacay iyadoo hore magaalada ay ugu aqal galeen Dhegoolayaal.
Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com





0 





Arooskii Qarniga oo xalay Burco ka dhacay iyo Lamaanihii ugu gaagaabnaa oo Xalay Nolosha ku midoobay+SAWIRO
Haddii Aad hore u maqasheen Aroosyo u qabsoomay Dhegoolayaal, indhoolayaal iyo Curyaamin Xalayna Waxa Burco ka dhacay Arooskii Dadka Gaagaaban, oo ay ku aqal galeen lammaane isku doortay Gaabnida kana mid ah Dadka ugu gaagaaban Somaliland, Madasha Ar