IOM Oo Shahaadooyin siisay 20 Qof Oo Tababar aqoon Korodhsi ah Qaatay

0
Friday February 21, 2014 - 23:11:01 in by London Office
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IOM Oo Shahaadooyin siisay 20 Qof Oo Tababar aqoon Korodhsi ah Qaatay

    Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Saraakiil ka socotay hayada IOM, Agaasimaha Guud ee Wasaarada QOrshaynta, Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

IOM Oo Shahaadooyin siisay 20 Qof Oo Tababar aqoon Korodhsi ah Qaatay
Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Saraakiil ka socotay hayada IOM, Agaasimaha Guud ee Wasaarada QOrshaynta, Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal

Boorame (Afkashacabka.Com- Hay’ada caalamiga ah ee IOM ayaa xalay magaalad Boorama shahaadooyin ku gudoonsiisay 20 arday oo ka qalinjabisay Jaamacada Camuud isla markaana mudo 7 bilood ah dhamaysatay tababarka loo yaqaan Internship-ka ee ay ardayda Jaamacadaha ka soo baxday ugu gogol xaadho shaqo taga, waxana tababarkani uu qayb ka yahay mashaariic ay hayada IOM ugu talo gashay inay dhalinta kaga baajiso hadimooyinka aafada tahriibta, maalgalintiisana ay leeyihiin dadwaynaha Japan.

Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Saraakiil ka socotay hayada IOM, Agaasimaha Guud ee Wasaarada QOrshaynta, Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal, Maayarka Boorama, Madaxda Jaamacadda Camuud, Waalidiin, ardayda tababarka qaadatay, suxufiyiin, iyo dadwayne kale.

Ugu horayn ayaa waxa madasha ka hadlay Mudane Liibaan Maxamuud Ciise oo ka tirsan hayada IOM, waxana uu u mahadnaqay ka soo qayb galayaasha madasha, sidoo kalena waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii mashruucan waxana uu yidhi "Waxa noo farxad ah inaan caawa u joogno shahaado ku maamuuska arday dhan 20 oo ka baxday sanadkii hore Jaamacadda Camuud, kuwaas oo mudo 7 bilood ah ay hayada IOM siisay tababaro shaqo raadsiga ku saabsan iyo tababar kale oo balaadhan oo Internship ah oo ay ku qaateen xarumaha dawlada, kuwo gaar loo leeyahay iyo ganacsiyo kale oo ku yaala gudaha Boorama”

"Waxa xusid mudan in hayada IOM ay ka shaqayso sidii dhalinta looga baajin lahaa tahriibta, sidaas aawadeedna mashruucan uu ahaa mid tijaabo ah oo lagu bilaabay magaalooyinka Boorama iyo Burco, dhinaca Boorama waxa ay hayadu ka qaadatay 20 arday ah oo ka baxay Jaamacadda Camuud kuwaas oo ay ku xulatay sidii ay u kala sareeyeen isla markaana ay ku mataanaysay goobo cayiman oo ay u shaqo tageen iyado oo dhiirigalin lacag ahna la siinayay, ujeedada laga lahaana waxa ay ahayn in la tijaabiyo sidii dhalinta loogu gogol xaadhi lahaa loona bari lahaa dhabada loo maro shaqo taga” ayuu yidhi Md. Liibaan

Isaga oo sii wata hadalka waxa uu yidhi "Waxa aan caawa ka marag kacayaa in 50% oo ah 10 arday oo tababarkan qaadatay ay heleen shaqo joogto ah, waxana aan u rajaynaynaa inta kale inay dhawaan helaan shaqooyin joogto ah, sidoo kale waxa aan ka marag kacaynaa in mashruucani uu yahay mid midho dhal ah oo loo baahan yahay, waxana aan balan qaadaynaa inaan joogtayno, caawana waxa aan ardaydaasi gudoonsiindoonaa shahaadooyin aan ku cadaynayno inay tababat Internship ah oo lagu qiimeeyay ay soo qaateen, waxa kale oo aanan ka tagi karin oo aan u mahad naqayaa dhamaan hayadihii dawlaha iyo kuwii gaarka ahaa ee naga aqbalay inay dhalintan siiyaan tababarkan Internshipka ah”

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahad naqay hayada IOM, waxana uu sheegay in loo baahan yahay in ardayda ka soo baxda Jaamacadaha la shaqaalaysiiyo, isaga oo si gaar ah xukuumada ula hadlayana waxa uu yidhi "Waxa jira laba waajib oo mid jaamacadaha saaran yahay midna xukuumada saaran yahay, ka jaamacad ahaan waxa waajibkayagu yahay inaan ardayda iyo dhalintaba ku qalabayno aqoontii ay ku shaqo tagi lahaayeen, sidoo kale xukuumadana waxa waajib ka saaran yahay inay shaqo u raadiso dhalintaasi, sidoo kale xukuumada waxa aan leeyahay waxa loo baahan yahay in ay mudnaanta siiso ardayda ka soo baxday dalka gudihiisa una badiso shaqada, isla markaana ay dib u dhigto shaqaalaysiinta la siinayo dadka ka yimid qurbaha, dhinaca kalena waxa aan dhalinta leeyahay shaqo waa jirtaa waana la helayaa ee dalka aamina oo ha ka dagdegina idinka oo qurbo u hanqal-taagaya”

Qaar ka mid ah ardayda ka dhamaysatay tababarkan Internshipka ayaa waxa ay u mahadnaqeen hayada IOM oo ay xuseen inay indhaha u kala furtay, sidoo kalena waxa ay sheegeen in mudadii ay tababarkan qaadanayeen ay korodhsadeen waayo aragnimo badan oo ku aadan sida hayadaha kala duwan ee dalka ka hawlgala looga shaqeeyo, maantana ay ku niyadsan yihiin inay dalka shaqo ka raadsadaan halkii ay ka tahriibi lahaateen, waxana ay ka codsadeen hayada IOM inay tababarkan oo kale u sii wadaan ardayda sanadaha soo socda ka soo bixi doona jaamacadaha dalka hadii Eebe Idmo

Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xaan Xadi oo isaguna ka hadlay ayaa ka marag kacay in ardaydan ay wax badan ka badaleen hanaanka maamulka iyo xisaabaadka ee dawlada Hoose ee Boorama, isla markaana waxa uu aad ugu mahadnaqay hayada IOM, isaga oo ahmiyada ay u leeyihiin ardaydan sheegayana waxa uu yidhi "Barigii hore waxa ay ahayd D/Hoose meel la yidhaa qofka aanaan qaxba aqoon shaqo ha looga raadiyo, balse maanta waxa uu tababarkan Internshipka ah muujiyay inay D/Hoose tahay meel lala soo doonto dadka wax bartay, waanan ku faraxsanahay, waxana aan la hadhanay 2 shaqaale ah oo ka mid ah ardaydaas, waxana aan wacad ku marnay in qofwalba oo aqoon leh oo looga baahan yahay gudaha D/Hoose inaan keeno oo aan shaqaalaysiino”

Kusimaha Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi "Waan u mahadnaqaynaa hayada IOM, waxana aan ka marag kacaynaa in tababarkani uu ahmiyad u lahaa ardayda, waanan araganay faa’iidadiisa, waxana aan hayadaha kale ku boorinayaa inay tababaro sidan oo kale ah oo Internship ah u sameeyaan ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha”

Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta Qaranka Md. Cabdirashiid Axmed Sumal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi "Tababarkani waa mid la dareemi karo ahmiyadiisa, waa shaqo abuur iyo dhiirigalin balaadhan oo dhalinta ku wajahan, waan hambalyaynayaynaa hayada IOM, waxana aan ka xukuumad ahaan sheegaynaa inay noo qorshaysan tahay in tababaro noocan oo kale ah oo Internship ah loo sameeyo dhamaan ardayda dalka wax ku baray ee ka soo baxaysa.

Tababarkan ayaa waxa hoosta laga xariiqay inuu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee araday jaamacadaha ka baxday lagu siiyo tababar ay khibrad iyo waayo aragnimo shaqo ku korodhsanayaan, waxana 50%-ka guusha ah ee tabarkan ka soo hoyataya ay tahay 10 ka mid ah 20kii arday ee ka qayb qaatay oo shaqooyin joogto ah helay, kuwaas oo kala ah 2 ka helay D/Hoose ee Boorama, 2 ka helay xafiiska gobolka Awdal, 2 qof oo shaqo ka helay Jaamacada Camuud, 4 qof oo shaqo ka helay dusiyada sare ee Aayatiin. Sh. Mahdi iyo Hadliye ee Boorama."

Afkashacabka.Com

Boorame/Office

Contact@Afkashacabka.Com