Macalin Tata Martino Oo Qirtay In kooxdiisa Barcelona Daalan Tahay Lagana Yaabo Inay Dhibco Kale Lumiso!

0
Monday February 03, 2014 - 09:39:39 in by Super Admin
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin Tata Martino Oo Qirtay In kooxdiisa Barcelona Daalan Tahay Lagana Yaabo Inay Dhibco Kale Lumiso!

    Kadib markii kooxda Barcelona ay guuldaro la yaab leh garoonkeeda ayadoo ku cayaareyso ay kala kulantay naadiga Valencia macalin Gerardo Tata Martino ayaa qirtay in kooxdiisa xaalkeeda uusan wanaagsaneyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Kadib markii kooxda Barcelona ay guuldaro la yaab leh garoonkeeda ayadoo ku cayaareyso ay kala kulantay naadiga Valencia macalin Gerardo Tata Martino ayaa qirtay in kooxdiisa xaalkeeda uusan wanaagsaneyn
madaama kulamo badan oo joogto ah ay cayaareen sidaa darteed macalinkan waaya araga ah ayaa xusay in qaar ka mid ah xidigaha kooxdiisa ugu muhiimsan ay daalan yihiin wuxuuna yiri 

"kulankii Valencia cashar weyn ayaa iiga baxay waxaana rajeynaa qaladkii aan galnay inaan markale sameynin balse dareenkeyga wuxuu qabaa inaan dalaanahay sida darteed waxaan ka cabsi qabaa inaan kulamada nagu soo fool leh dhibco kale lumino!”


 
Macalin Tata Martino ayaa sidoo kale sheegay inuu wax ka badali doono qorshaha uu haatan Barcelona ku hogaamiyo madaama kooxaha La Ligaha ay bilaabeen inay kubad adag la cayaaraan wuxuuna yiri "waxaa suura gal ah inaan shaxdeyda wax ka badalo waayo kulamadii ugu dambeesay kubad cadaadis ku dheehan ayay kooxaha nala cayaareen sidaa darteed waa inaan la imaanaa falsafad kale oo aan guulo ku gaari karno” macalin Tata Martin ayaa ka walaacsan labada kulan oo ay kooxdiisa la cayaari doonto kooxaha Real Sociedad iyo Sevilla todobaadka nagu soo fool leh inay Barcelona markale dhibco lumiso.