"Waa Kii Ugu Fiicnaa Garoonka" – "Waa Xidiga Dhaxli Doona CR7 & Messi" Ferdinand & Gerrard Oo Amaan Ugu Qubeeyay Neymar.

0
Thursday March 09, 2017 - 12:55:30 in by salman abdi
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Kii Ugu Fiicnaa Garoonka" – "Waa Xidiga Dhaxli Doona CR7 & Messi" Ferdinand & Gerrard Oo Amaan Ugu Qubeeyay Neymar.

    Hadal heynta kubadda cagta ee maanta waa Barcelona, Camp Nou iyo kulankii soo laabashada ahaa ee xalay u gudbiyay Balaugrana wareega sideeda koobka horyaalada yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadal heynta kubadda cagta ee maanta waa Barcelona, Camp Nou iyo kulankii soo laabashada ahaa ee xalay u gudbiyay Balaugrana wareega sideeda koobka horyaalada yurub.

Neymar Junior ayaa xalay soo bandhigay qaab ciyaareed ilqabad leh oo laga tilmaami karo daqiiqadahii ugu dambeeyay madama uu qeyb weyn ka qaatay go’aaminta natiijada kulankii Camp Nou.

Xidig yaraha qaranka Brazil – ayaa dhaliyay laba gool inkastoo uu sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii wadna qabadka ahaa ee Sergi Roberto.

"Ciyaartoyda heerka caalami waxey leeyahiin waqti weyn xiliga muhiimka ah” ayuu yiri halyeyga Liverpool Steven Gerrard isagoo Studio-ha BT kula sugan Ferdinand iyo Owen.

"Luis Suarez, Lionel Messi waxey ahaayeen kuwo xasiloon xalay” Ayuu intaas raaciyay, "Neymar wuxuu si cad soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ebid”

Dhanka kale Neymar ayaa amaan ka helay Rio Ferdinand, wuxuuna aaminsan yahay inuu yahay xiddiga ka badali kara Messi iyo Ronaldo dhaxalka kubadda dahabka.

"Wuxuu ahaa kan ugu wanaagsan ciyaarta, waa wiilka dhaxli kara Ronaldo iyo Messi” ayuu yiri Ferdinand.