
Koobka Heerka Kobaad Iyo Labaad Oo ka Socday Magaalada Caynaba Oo Ay Soo Gaba Gabaysay Haayada Wadaniga Ah Ee SOYVO Iyo Dawlada Hoose Oo Hanatay+Sawiro
Waxaana Koobkani Isugu Soo Baxay Labada Koxood Ee Ku Ciyaara Magaca SOMTEL Iyo DAWLADA Hoose ayadoona ay dhex martay Ciyaar Xasaasi Ah Waxaana Dawlada Hoose U Suura Gashay In Haafkii Hore Gool Ka Dhaliso Kooxda SOMTEL Ayadoona Haafkii Hore Lagu Kala Nastay Gool Iyo waxba.
Haafkii Danbe Ii Ciyaarta Ayaa Waxaa Ay Labada Koxoodba Muujiyeen Ciyaar Wanaag Ayadoona Ay Kooxda Dawlada Hoose Dhalisay Laba Gool Oo Danbe Markii Ay Ciyaartu Halkaas Maraysay Ayaa Kooxda SOMTEL Shabaqa Goolka Dawlada Hoose Galisay Kubadaasi waxaana Ay Mar Afraad Dawlada Hoose Rogaal Celisay Weerar Culus Ayadoona Gool Afraaad Ka Dhalisay SOMTEL Sidaasna waxay Ku Jamatay Kooxda Horyaalka Sanadka Ee Gobolka Saraar.
Waxaana AY Maamulka Dawlada Hoose Xaflada Koobka Ay Ku Wareejinayso SOYVO Ugu Qabteen Xarunta Dawlada Hoose Ayadoona Ay Kulankaasi Kasoo Qaybgaleen Madaxda Gobolka,Degmada,Cuqaasha Iyo waxgaradka Caynaba Iyo Marti Sharaf Kale Ayadoona Halkaasi Lagu Lafa Guray Koobkan Ay Haayadda SOYVO U Qabato Kooxaha Sanadkiiba Hal Mar.
Si Kastaba Ha Ahaatee Haayada wadaniga Ah Ee SOYVO Oo Ku Hawlan Horu Marinta dhalinyarada Iyo Is Dhex Galka Bulshada Ayaa Intii Lagu Jiray Bishan Barakaysan ramadaan Dhigtay Koobab Loogu Talagalay Bisha Ramadaan Waxaana Ay Koobaba U DHigtay Degmooyinka Hoos Yimaada Magaalada Burco Iyo Caynaba
Shaafici Maxamed Ibraahim
BUrco Office
Koobka Heerka Kobaad Iyo Labaad Oo ka Socday Magaalada Caynaba Oo Ay Soo Gaba Gabaysay Haayada Wadaniga Ah Ee SOYVO Iyo Dawlada Hoose Oo Hanatay+Sawiro
Koobkan Oo Ay Qabatay Haayada Wadaniga Ah Ee SOYVO Ayaa Waxa Ay U Qabatay 18Koxood Oo Ka Kala Yimi Degmooyinka Hoos Yimaada Magaalada Caynaba Ee Xarunta Gobolka Saraar