
Madaxweynaha Puntland oo kulan dhaqaale aruurin ah la yeeshay Culimadda iyo Ganacsatada Puntland
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa madaxda sare ee maamulku waxay kaga dalbadeen culimada iyo ganacsatada in ay kaalin wayn ka qaataan dhismaha buundada Suna-jiif ee gobolka Nugaal, halkaas oo dhisme lagu bilaabay toddobaadkii hore Culimada ayaa howl khayr ku tilmaamay dhismaha buundada oo hoos gelaya danta guud ee umadda, waxaana ganacsata iyo culimadu ay si wadajir ah u balan-qaadeen inay kaalin muuqata ku yeelan doonaan dhismaha buundada.iyaga iyaga oo ku dheeraday in wax wadaqabsigu ay horseedi karto hormar baxadle
WAR-SAXAAFADEED
Sabti 22 February, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda kulan dhaqaale aruurin ah kula yeeshay qaar ka mida Culimadda iyo Ganacsatada.
Buundada Sunijiif oo shaqadu ka socoto, dhowaana guddi uu madaxweynuhu u saaray ayaa kulankan looga arinsanayay sidii Culimadda iyo ganacsatadu gacan wada jir uga gaysan lahaayeen dhismaheeda.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa isna joogay oo ay wehelinayeen wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan iyo wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Culimadda Puntland ayaa balanqaaday inay u istaagi doonan sidii dhaqaale ugu aruurin lahaayeen buunadada oo ay ku tilmaameen Ficil Khayr oo Alle loogu dhowaanayo madaama uu soo hoos galayo danta iyo maslaxada guud ee umadda.
Dhankooda ayaa Ganacsatadu ka balanqaadeen madaxda Puntland inay ka qayb qaadaan doonaan dhismaha buundadan biyuhu gooyeen dhamadkii sanadkii tagay, iyagoo sidoo kalena raacshay inay diyaar u yihiin taageero ay dowladda la garab taaganyihiin.
Madaxweynaha Puntland oo soo xiray kulankan ayaa uga mahadceshay Culimadda iyo Ganacsatada sida ay ugu heelanyihiin horumarka dalkooda, isagoo ku daray baahida loo qabo in la mideeyo markasta dadaalada si loo gaaro horumarka la tiigsanayo.
warsaxafaded kani ayaa ku see beegmay mar ay Qaraxyo isdaba jooga ay ka dhaceen Muqdisho iyo kismaayo oo ay ka dhaceen qaraxyo aad uwawayn oo sababay dhimashi iyo dhawac .
AFKASHACABKA.COM
GORAWE/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM





0 

Madaxweynaha Puntland oo kulan dhaqaale aruurin ah la yeeshay Culimadda iyo Ganacsatada Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa maanta shir dhaqaale ah arruurin ah madaxtooyada kula yeeshay ganacsatada iyo waxgaradka ,culimada Puntland