QAZA maanso,W/Q:ismaaciil maxamed-cali

0
Friday July 18, 2014 - 16:30:36 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QAZA maanso,W/Q:ismaaciil maxamed-cali

    maansadan oo aan u magac-bixiyey QAZA waxan kaga hadlayaa weerarka wuxuushnimada iyo cadawtooyada ah ee gaalada yahuudu ay ku qaaday dadka muslimiinta ah ee reer falastiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maansadan oo aan u magac-bixiyey QAZA waxan kaga hadlayaa weerarka wuxuushnimada iyo cadawtooyada ah ee gaalada yahuudu ay ku qaaday dadka muslimiinta ah ee reer falastiin
 gaar ahaan magaalada qaza iyaga oo bar-tilmaameedsanaya dadka shacabka ah sida dumarka, caruurta iyo
waayeelka hadaba aniga oo waajibka i saaran gudanaya ayaan tixdan
maansada ah aan curiyey tixduna waa qaylo-dhaan iyo isbaraarujin hadaba waxay tidhi
 

 

qamuunyoodayeey

qoomamoodayeey

qulub ooyayeey

qaddar iyo itaal

qaafley tix gabay

qiiriyo  jihaad

u qoondaystayeey

maxaa dhiig qulqulay

maxaa mayd la qubay

maxaa dhaawac qalan

maxaa hilib qonbobay

maxaa ruux qallalay

maxaa ubad qaqdii

qacda weerarkuu

qunbaluhu cuskaday

qolfoofkiyo raqdii

laga qaaday meel

maxaa hooyo qoon

qudha  laga  jaroo

qummaatiga hub-culus

qorshe iyo  badheedh

qiyaas loogu furay

maxaa qoom duqoo

aan hub qaadi karin

qasab lagu diloo

qumuc iyo rasaas
 
gantaal lagu qasiray

qaatil   gaala  iyo

qibdi  iyo  yahuud

qarbi reer galbeed

qudhun iyo nijaas

ifka  lagu qarribay

miyaa qoomay shacab

iyo  maati  quban

qaza  weerarkii

lagu qaadaybaa

qiiqa  uuradii

dunidii qabsaday

qaryo lagu negaa

maxaa lagu qayiray

ilaahay  qireen

miyaa lagu qabsaday ?

qaabkiyo  sunnaa

miyaa lagu qabsaday ?

quraankiyo sharciga

miyaa lagu qabsaday ?

qushuucdiyo digriga

miyaa lagu qabsaday ?

quddus inay rabaan

miyaa lagu qabsaday ?

qarniyohow cusubi

qaafka maansadaan

qoon iyo dhib jira

qawl iyo  bayaan

qabar ugu asiray

waa qaylo-dhaan

qarniyohow cusubi

qudur  iyo layaab

waa maxay qudrada

qilaafkiyo  shakiga

muslinkii  qoqobay ?

qarniyohow cusubi

qarniyaal horteed

qof  islaam  ahaa

qalbiguu   lahaa

maxaa   qaawiyee

qadh-qadhyada ku riday ?

qatligiyo    dilkii

qaza  lagu shirrabay

hadaan laga qisoon

oon qisaas la helin

oo   qadafka  jira

indhaa laga qarsado

qaybteedu  waa

qayrkii   ninkii

qoorta laga jarow

qoyso taada jeer




W/Q:ismaaciil maxamed-cali


ismaaciilmc66@hotmail.com


finland