Osasuna Oo Xoog sheegtay Atletico Madrid Kana Hor Istaagtay Fursad Ay Real Madrid Ku Gaarilaheed.

0
Monday February 24, 2014 - 09:57:35 in by London Office
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Osasuna Oo Xoog sheegtay Atletico Madrid Kana Hor Istaagtay Fursad Ay Real Madrid Ku Gaarilaheed.

    Kooxda Osasuna ayaa guul daro xanuunbadan dhabaraka u saarisay caawa kooxda Atletico Madrid oo marti u aheed, Osasuna ayaa ciyaarta hurdo u dirtay qaybteedii hore kadib markii ay dhalisay 3 gool iyadoo ka hor istaagtay Atletico Madrid fursad ay hogaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Osasuna ayaa guul daro xanuunbadan dhabaraka u saarisay caawa kooxda Atletico Madrid oo marti u aheed, Osasuna ayaa ciyaarta hurdo u dirtay qaybteedii hore kadib markii ay dhalisay 3 gool iyadoo ka hor istaagtay Atletico Madrid fursad ay hogaanka kula qaban laheed kooxda Real Madrid

Bilowgii ciyaarta kooxda Osasuna ayaa ku soo gashay weerar aan kala joogsi lahayn iyagoo helay goolka koowaad daqiiqadii 6 aad ee bilowga ciyaarta waxaana u dhaliyay Alvaro Cajudo kadib markii uu dhaliyay kubad uu koornada kasoo laaday saaxiibkiis Emiliano Daniel isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

21 daqiiqo Emilano Daniel ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Osasuna kadib markii uu shuud xoogan uu kuriday goolka isagoona ciyaarta ka dhigay 2-0, kooxda Osasuna ayaa siiwaay goolasheeda 42 daqiiqo Roberto Torres ayaa 3-0 ka dhigay kadib baas Qatar ahaa oo uu ka helay Abella Perez, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Osasuna.

Qaybtii danbe kooxda Atletico ayaa hurdada kasoo toostay iyagoo isku dayay inay dib ugu soolaabtaan ciyaarta laakiin taas ayaan u suuro galin, ciyaarta ayaana ugu danbayntii 3-0 guusha ku raacday kooxda Osasuna.


AFKA SHACABKA.COM
KA DHEEHO CIYARAHA DINIDA
CONTACT@AFKASHACABKA.COM