Barta Twitter Ee Bulshada Ku Xidhiidho Oo Kordhinaysa Tirada Xarfaha Uu Qofku Qori Karo.

0
Wednesday September 27, 2017 - 09:49:19 in by Burco Office
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barta Twitter Ee Bulshada Ku Xidhiidho Oo Kordhinaysa Tirada Xarfaha Uu Qofku Qori Karo.

    Barta Twitter Ee Bulshada Ku Xidhiidho Oo Kordhinaysa Tirada Xarfaha Uu Qofku Qori Karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barta Twitter Ee Bulshada Ku Xidhiidho Oo Kordhinaysa Tirada Xarfaha Uu Qofku Qori Karo.

Barta Twitter ee bulshada ku xidhiidho ayaa kordhinaysa tirada xarfaha uu qofka markiiba ku qori karo.

Bartani Twitter-ka ayaa xilligan wuxuu qofka ku qori karaa 140 xaraf oo kali.

Shirkadda Twitter ayaa imika sheegtay in ay xarfaha uu qofka halkii marba ku qori karo ay ka dhigayso 280 xaraf.


Xaddidaada xarfaha ee lagu qori karo barta Twitter-ka ayaa ahaa mid dad badan jahwareer ku keeni jirtay sida ay shirkada sheegtay.

Shirkadda Twitter ayaa muddooyiinkii ugu danbeeyay waxaa soo food saartay gaabis ku yimid kororka tirada macaamiisha waxa ayna imika doonaysaa in ay soo jiidato macaamiil badan.

"In aad fikirkaaga ku cabirto Twitter -ka ayaa ahayd mid xanuun badan,” Waxaa sidaas sheegtay madaxa wax soo saarka shirkada Aliza Rosen.

Ms Rosen ayaa sheegtay in tirada xarfaha ee la kordhiyay lagu tijaabiyay luuqadaha Japan, Shiinaha iyo luuqada Korea.