Natiijada Kulamadii Xalay iyo Real Madrid Oo €60 million Ee Ay Iibka Di Maria Ka Hesho Ku Soo Iibanaysa Falcao

0
Sunday July 27, 2014 - 14:17:12 in by Super Admin
  • Visits: 1763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Kulamadii Xalay iyo Real Madrid Oo €60 million Ee Ay Iibka Di Maria Ka Hesho Ku Soo Iibanaysa Falcao

    Hadii aan ku bilawno natiijada kulamadii xalay dhacay kooxda Arsenal ayay guul daro 1:0 ahi ka soo gaadhay kooxda New York Red Bulls.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii aan ku bilawno natiijada kulamadii xalay dhacay kooxda Arsenal ayay guul daro 1:0 ahi ka soo gaadhay kooxda New York Red Bulls.

Bradley Wright-Phillips ayaa sii waday qaab ciyaareedkii fiicanaa ee uu ciyaarihii hore soo bandhigay isagoo kooxdiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 32 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta isagoo dhaliyay goolkiisii todobaad 6 kulan oo uu ciyaaray.


Arsene Wenger oo niyada ku haya kulama adag ee u hadhay oo ay ka mid yihiin Benfica iyo Monaco ka hor horyaalka ingiriiska ayaa dhadhamiyay guuldaro qadhaadh oo ka soo gaadhay kooxda New York Red Bulls. Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay labada kooxood weerar badan isku qaadayeen. Waxaa kulanka qiimo wayn u yeelayay halyaygii Arsenal Thierry Henry ayaa u ciyaaryay kooxdan ree Maraykan. Inkasta oo ay Arsenal dadaal badan samaysay haddana u may suurto galin inay wax gool ah kulan kan ka dhaliyaan sidaana waxaa ku badisay kooxda New York Red Bulls.

Real Madrid vs Inter Milan

Kulan kale oo aad u xiiso badan ayaa dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan.Gareth Bale ayaa kooxda Madrid hogaanka u dhiibay kooxdiisa ka dib markii uu gool caaqiibo leh ka dhaliyay kooxda Inter balse goolkaasi ma noqon mid sii waara ee waxaa dhankiisa Inter goolka baraajaha u keenay Mauro Icardi.

Kulankan oo ku tirsanaa International Champions Cup ayaa ku soo idlaaday baraajo 1:1 ah kadib ayaa labada kooxood loo dhigay rekoora yaal ay ku kala baxaan. Juan Pablo Carrizo ayaa markiiba niyada u dhisay Inter kadib markii uu badbaadiyay rekoore uu tuuray Isco kaas oo ahaa kii Real Madrid ugu horeeyay isagoo markale ka badbaadiyay Asier Illarramendi. Ugu danbayn Icardi ayaa soo gabagabeeyay iyadoo ku soo dhamaatay 3:2.

Manchester United Vs Roma

Kooxda Manchester United iyo tababaraheeda cusub ayaa sii wada guulihii ay kubilaabatay ciyaaraha saaxiibtinimo iyadoo kulankii Roma 3:2 kaga badisay. Rooney ayaa united hogaanka u dhiibay kadib markii uu daqiiqadii 36 shabaqa soo taabtay. Rooney ayaa goolka kale sii raacsaday daqiiqadii 44 kulankaas oo ahaa rekoore. Juan Mata ayaa man united goolkiisa u dhaliyay daqiiqadii 39. United ayaa u muuqatay inay iska maamulanasay qaybtii hore ee ciyaarta balse Roma ayaa boodhka dib iskaga jabtay daqiiqadii 75 iyadoo uu goolka kowaad u dhaliyay Pjanic halka uu gool rekoore ah Totti kooxdiisa u dhaliyay daqiiqadii 88 ee dhamaadka ciyaarta. Kulanka ayaa ku soo idlaaday 3:2 ay Man united ku guulaysatay. Dhanka kale kooxda Tottenham ayaa 2:0 ugu awood sheegatay kooxda Chicago.

Manchester City Oo Qaar Ka Mid Ah Xidigaheeda Heshiiyada U Kordhinaysa Waase Kuwee Xidigahaasi?

Kooxda Manchester City ayaa doonaysa inay qaar ka mid ah xidigaheeda u kordhiso hashiisyada. Ayaa heshiisyo cusub u diyaarisay afar ka mid ah ciyaartoydeedii ka soo ciyaaray koobka aduunka. Ciyaartoyda ay man city doonayso inay heshiisyada u kordhiso waxay kala yihiin Joe Hart, James Milner, Edin Dzeko iyo Sergio Aguero.

yihiin Joe Hart, James Milner iyo Edin Dzeko ayaa dib ugu soo laabtay kooxda City ee dalxiiska u joogta USA iyadoo la rajaynayo inay kooxda inteeda kale tababarka la bilawdaan. City ayaa hore heshiisyada ugu kordhisay Samir Nasri iyo Aleksandar Kolarov.

city

Warar ayaa sheegaya in kooxda man city ay doonayso inay heshiis waqti dheer ah ka saxiixdo Aguero kaas oo qiimaha uu ku kacayaa gaadhayo ilaa £50million si ay uga ilaaliso kooxda Real Madrid iyo Barcelona oo u soo hanqal taagayay xagaagan. Man city ayaa sanadahii u danbaysay marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaysay ka dib markii mulkiilaha carabta ah uu lacag badan ku maal galiyay kooxdan.

Luis Suarez Oo Soo Shaqaalaysiistay Tababare U Khaas Ah Si Uu Iskugu Diyaariyo Xili Ciyaareeka Cusub

Kadib markii laga mamnuucay wax ciyaar kubbada cagta ku lug leh ayuu luis Suarez soo shaqaalaysiistay tababare u diyaariya xili ciyaareedka cusub. Suarez ayaa doonaya inuu isagoo taam ah soo dhamaysto ama laga yareeyo ganaaxa lagu riday. Maxkamada CAS oo ah mid ciyaaraha u gaar ah ayuu qareenka Suarez u gudbiyay rafcaan ugu kaga qaadanayo ganaaxii dheeraa ee ay FIFA ku riday kadib qaniinyadii Chiellini.

Suarez ayaan loo ogolayn inuu shaqaalaha tababarka ee kooxda Barca uga faa’iidaysto tababarka iyadoo wax kubbada cagta ahba laga madnuucay maraas ayuu intuu fikiray doontay nin tababare ah oo isago oo kaliya u diyaariya xili ciyaareedka cusub.

450802371FV00072 / Football World Cup 2014 - Uruguay v Jordan

Suarez ayaa lagula taliyay inuu iska yareeyo socodka uu dibada ugu soo baxo isagoo waqtigiisa inta badan ku qaadan doona jidh dhis iyo inuu caafimaadkiisa ka shaqeeyo

Suarez ayaa iskaga tagay xaaskiisa gurigooda oo ku yaala Castelldefels oo aan ka fogayn Barcelona iyadoo uu diidan yahay in saxaafadu ay mashquuliso. Saxaafada ayaa markasta raadinaysa Suarez taas oo aanu isna diyaar u ahayn inuu waraysi siiyo. Suarez ayaa jadwal u samaysan doona xilyada tababarkiisa iyadoon Barca loo ogolayn inay soo fara galiso. Arinta Suarez Fifa ku samaysay ayaa ah mid u muuqata takoorid iyo in cidla loo saaray xidiga ree Uruguay.

Real Madrid Oo €60 million Ee Ay Iibka Di Maria Ka Hesho Ku Soo Iibanaysa Falcao

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa inay €60 million ee ay ku iibiso Di Maria ku soo iibsato weerar yahanka Monaco ee Radamel Falcao. Di Maria ayaa ugu wareegaya PSG €60 million kadib wadahalo waqti dheer qaatay oo u dhexeeyay labada kooxood ee Madrid iyo PSG.

Real Madrid ayaa Kroos iyo James Rodriguez ka bixisay €110m waxayna hadda doonayaan inay lacagta Di Maria u isticmaalaan inay ku bixiyaan saxiixa Falcao hadii uu Di Maria si rasmi ah ugu biiro kooxda PSG.

Real Madrid ayaa doonaysa inay Falcao ka war sugto ilaa inta uu suuqu furan yahay iyadoo uu Florentino Perez shalay sheegay inay ilaa maalinta u danbaysa suuqa inay ku jiri doonaan oo ay iibsan karaan ciyaartoyga ay doonaan iyagoo sidoo kale iibin kara ciyaartoy kooxdooda ka tirsan.

Di Maria-Falcao

Sanadkii hore ayay Madrid Gareth Bale kooxda ku soo dartay iyadoo sidoo kale kooxda ka sii daysay Mesut Ozil waxayna arintana u eegtahay inay sidii sanadkii hore oo kale noqonayso.

Carlo Ancelotti ayaa isagu raba inuu Di Maria kooxda ku sii nagaado laakiin wuxuu haddna og yahay in Madrid u baahan tahay weerar yahan booska la wadaaga Benzema. 




Afkashaacabka.com / Cayaaraha