Kaamirooyinka Hillinka BeIN Sports Oo Kashifay Su'aal Uu José Luis Gayà Weydiiyay Sergio Busquets Ee La Xiriirtay Goolkii Laga Diida Lionel Messi.

0
Monday November 27, 2017 - 15:07:05 in by Burco Office
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaamirooyinka Hillinka BeIN Sports Oo Kashifay Su'aal Uu José Luis Gayà Weydiiyay Sergio Busquets Ee La Xiriirtay Goolkii Laga Diida Lionel Messi.

    Kaamirooyinka Hillinka BeIN Sports Oo Kashifay Su'aal Uu José Luis Gayà Weydiiyay Sergio Busquets Ee La Xiriirtay Goolkii Laga Diida Lionel Messi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaamirooyinka Hillinka BeIN Sports Oo Kashifay Su'aal Uu José Luis Gayà Weydiiyay Sergio Busquets Ee La Xiriirtay Goolkii Laga Diida Lionel Messi.

Sheekada la xiriirta goolkii xalay laga diiday Barcelona kulankii ay barbaraha la galeen kooxda ku ciriirineysa La Liga ee Valencia ayaa aad looga hadal hayaa warbaahinta kubadda cagta, waxaana lasoo wariyay haatan su’aal iyo jawaab cajiib ah oo dhexmartay daafaca bidix ee kooxda Valencia Jose Luis Gaya kaas oo ahaa caawiyaha goolka uu saxiixay Rodrigo iyo burburiyaha Balaugrana Sergio Busquets.

GarsooreIgnacio Iglesias Villanueva iyo caawiyayaashiisa ayaa ku fashilmay iney arkaan sida ay kubadda u dhaaftay xariiqda goolka Mastella ka hor inta uusan kubadda banaanka usoo saarin goolhaye Neto, sidoo kalana waxaa jira caro ay u qabaan garsoorkaan madama uu bishii January ee sanadkaan laba jeer ka inkiray gool ku laad ay aheyd in loo dhigo markiiBruno Soriano uu laba jeer kubadda ku taabtay gacanta isagoo ku sugan xerada ganaaxa.

Intii lagu jiray tunel-ka garoonka Mastella ka hor inta aan lagu soo laaban qeybta labaad ee ciyaarta ayuu Jose Luis Gaya weydiiyay su’aal xidiga reer Spain Sergio Busquets isagoo leh: "Miyey wax badan dhaaftay kubada xariiqda, maxey kula tahay?

Muuqaalkaan waxaa baahiyayBein Sport, waxaana lasoo dhigay barta twitter-ka ay ku leeyahiin gaar ahaan qeybta lagu qoro afka Isbaanish-ka.

Sergio Busquets oo durba jawaab ka bixinaya ayaa yiri: "Waxey xariiqda dhaaftay kubadda inta ay la egtahay dhirirka gacntaada”