Wargeyska Sport Oo Kashifay Lacagaha Ay Barcelona Mushaar Ahaanta U Siin Doonto Philippe Coutinho & Halka Uu Ka Galayo Liiska Xidigaha Balaugrana.

0
Friday December 01, 2017 - 15:25:53 in by Burco Office
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska Sport Oo Kashifay Lacagaha Ay Barcelona Mushaar Ahaanta U Siin Doonto Philippe Coutinho & Halka Uu Ka Galayo Liiska Xidigaha Balaugrana.

    Wargeyska Sport Oo Kashifay Lacagaha Ay Barcelona Mushaar Ahaanta U Siin Doonto Philippe Coutinho & Halka Uu Ka Galayo Liiska Xidigaha Balaugrana.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Sport Oo Kashifay Lacagaha Ay Barcelona Mushaar Ahaanta U Siin Doonto Philippe Coutinho & Halka Uu Ka Galayo Liiska Xidigaha Balaugrana.

Barcelona ayaa la fahamsan yahay iney bisha January u dhaqaaqi doonto soo xerogalinta Philippe Coutinho marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January madama ay ku hungoobeen intii uu furnaa suuqa xagaagii laga soo gudbay.

Warbaahinta Spain gaar ahaan labada wargeys ee kasoo baxa gobolkaCatalan Mundo Deportivo & Sport ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay sheegtay qiimo dhan 145 Malyan oo Eurooo ay ku bixin karto xidiga reer Brazil walow aysan jirin xaqiijin ka imaaneysa gobolka Merseyside.

WargeyskaSportayaa markaan shaaca ka qaaday mushaarka uu Philippe Coutinho ka qaadan doono garoonka Camp Nou iyadoo warbixinta ay sheegeyso inuu xidigaan ka sara-mari doono qaar ka mid ah kuwa ugu magaca weyn.

Philippe Coutinho wuxuu heli doonaa aduun dhan 14 Malyan oo Yuuro oo u dhiganta aduun dhan 12 Malyan oo Pound kadib canshuurta, waxeyna ka dhigan tahay inuu noqon doono ciyaariyahanka labaad ee ugu mushaarka badan Balaugrana kadib Lionel Messi.

Dhanka kale wargeyska wuxuu qiray in Barcelona ay iibin doonto liis ciyaartoy ah oo uu ku jiro Arda Turan oo haatan dhaawac kaga maqan garoomada.