Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez Oo Sharraxay Sababta Uusan Neymar Junior Ugu Biiri Karin Real Madrid Waqtigaan

0
Monday December 04, 2017 - 15:49:50 in by Burco Office
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez Oo Sharraxay Sababta Uusan Neymar Junior Ugu Biiri Karin Real Madrid Waqtigaan

    Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez Oo Sharraxay Sababta Uusan Neymar Junior Ugu Biiri Karin Real Madrid Waqtigaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez Oo Sharraxay Sababta Uusan Neymar Junior Ugu Biiri Karin Real Madrid Waqtigaan

Weeraryahanka qaranka Uruguay Luis Suarez ayaa aaminsan in saaxiibkiisii hore Barcelona Neymar Jr uusan ku biiri doonin kooxda Real Madrid isagoo ku kalsoon in xidigaan uu si weyn u xushmeeyo kooxdii uu ka dhaqaaqay bishii August ee lasoo dhaafay.

Neymar wuxuu ka dhaqaaqay Camp Nou oo uu ku sugnaa afartii sano ee lasoo dhaafay 222 Malyan oo Euro ayuuna ku aaday kooxda Paris Saint Germain, balse waxaa soo baxay durba warar hordhac ah oo la xiriirinaya inuu u wareegayo Real Madrid.

Sida ay tabinayeen warbaahinta kala duwan ee yurub xidigaan reer Brazil kuma faraxsana kooxda ka dhisan Parc des Princess iyadoo marqaati laga noqday inuu dhawr isku dhac la galay qaar ka mid ah shaqsiyaadka kooxda oo ay ugu horeeyaan Edinson Cavani iyo tababare Unai Emery.

Balse Luis Suarez oo ay waqti dahabi ah ku wada qaateen Camp Nou ma dareensana in xidigaan uu u wareegayo Real Madrid.

"Maya gabi ahaan” ayuu yiri Suarez oo la hadlayayMarca, "Daacadii taas ma dhaceyso arintaas”