Kadib Kulamadii 15-aad Ee Isbuucaan La Ciyaaray – Maxaa Iska Badalay Miiska Kala Sareynta Gooldhalinta Horyaalka Premier League.
Isbuucaan waxaa dhacay kulamo aad u xiiso badan, balse wax isbadal ah kama dhicin horyaalka Premier League dhanka hogaanka marka laga reebo Gunners oo lumisay booskii 4-aad markii ay guuldaro kala kulmeen Man United & Reds oo ka badashay booska maadama ay guul raaxo leh ka soo gaareen Brighton & Hove Albion.
Citizens ayaa haatan ah kooxda aan ilaa iyo hadda laga adkaanin, waxeyna sidoo kale sameeyeen rikoor fiican madama ay 13-kulan oo xiriir ah guul gaareen taasoo la meel dhigeysa kooxaha Arsenal & Chelsea oo hal xilli ciyaareed gudahodo sameeyay rikoorkaan.
Dhanka hanaanka gooldhalinta isbadal kama dhicin, Mohamed Salah ayaa wali hogaaminaya kaas oo leh 12-gool balse ku guuldareystay inuu gool dhaliyo kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Brighton & Hove Albion.
Harry Kane ayaa ku fashilmay inuu gool dhaliyo kulankii ay barbaraha la galeen Watford, ciyaar ku dhamaatay 1-1, wuxuuna wali taagan yahay 10-ka gool oo uu horay u lahaa, balse waxaa isbadal yar sameeyay Alvaro Morata oo gool dahliyay kulankii ay dileen Newcastle wuxuuna kasoo baxay liiskii 8-da gool isagoo yimid liiska 9-ka gool.
Wiilka masaarida ah ee hogaaminaya gooldhalinta wuxuu xilli ciyaareedkaan sameeyay 3-caawin isagoo tuuray 43-darbo, 94-daqiiqo walbana wuxuu dhalinayay hal gool.