SUUQA: Chelsea Oo Markaan U Dhaqaaqeysa Soo Xerogalinta Daafaca As Roma Emerson Palmieri Si Ay Uga Maaranto Sandro

0
Wednesday January 17, 2018 - 18:10:02 in by salman abdi
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA: Chelsea Oo Markaan U Dhaqaaqeysa Soo Xerogalinta Daafaca As Roma Emerson Palmieri Si Ay Uga Maaranto Sandro

    SUUQA: Chelsea Oo Markaan U Dhaqaaqeysa Soo Xerogalinta Daafaca As Roma Emerson Palmieri Si Ay Uga Maaranto Sandro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SUUQA: Chelsea Oo Markaan U Dhaqaaqeysa Soo Xerogalinta Daafaca As Roma Emerson Palmieri Si Ay Uga Maaranto Sandro

Chelsea ayaa markaan xiiseyneysa daafaca bidix ee As Roma Emerson Palmieri si ay ugu yaraan uga maaranto raacdeynta ay ugu jirto xidiga reer Brazil ee Alex Sandro kaas oo ay tan iyo xagaagii hore ku raad joogtay.

Sida lagu qoray wargeyskaCalciomercato, Blues wali waxey raadineysaa sidii ay ku heli laheyd daafac bidix oo tartan adag la galaya Marcos Alonso, waxeyna wax badan raadisay daafaca reer Brazil ee ka tirsan Juventus Alexis Sandro.

23-jirkaan heerka caalami [Palmieri] wuu soo rogaal celiyay kadib markii uu muddo garoomada uga maqnaa dhaawac taasoo ka dhigan inuu haatan dagaal adag la gali doono daafacii hore Man City Aleksandro Kolarov.

Emerson bilowgii xilli ciyaareedkaan wuu ku jahawareeray kooxda madama uusan boos ka helin waxaana mar walba hortiisa joogayAleksandar Kolarov, walow uu haatan isku dayi doono inuu dagaal dhabar jabis ah qaado.

Si kastaba warbaahinta talyaaniga waxey fahamsan yahiin in As Roma ay diyaar u tahay iney iska iibiso xidigaan heerka caalami xilli ay xiiso ka imaanayaan Blues.

Lama oga sida ay Blues xoogga u saari doonto arintaan, balse waa xidig awood u leh inuu tartan la galo Alonso sidoo kalana u noqon kara badal macquul ah.