Cayaaraha: Real Madrid Oo Barbar-dhac La Gashay 10 Ciyaartoy Oo Barcelona Ah

0
Monday May 07, 2018 - 08:13:14 in by salman abdi
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaaraha: Real Madrid Oo Barbar-dhac La Gashay 10 Ciyaartoy Oo Barcelona Ah

    Real Madrid Oo Barbar-dhac La Gashay 10 Ciyaartoy Oo Barcelona Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo Barbar-dhac La Gashay 10 Ciyaartoy Oo Barcelona Ah


 

Kooxaha kubadda cagta Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku wadagaagay garoonka Santiago Bernabeu, kulankii iskugu dambeeyey xili ciyaareedka oo sidoo kale ahaa sagootinta Andres Iniesta.

Ciyaar aad u xiiso badnayd, balse go’aamo khaldan oo garsooruhu uu mararka qaarkood qaatay ay khalkhaliyeen, ayaa waxay labada kooxood ku kala baxeen 2-2, taas oo Barca ay inteeda badan ku ciyaaraysay toban ciyaartoy.

Ciyaarta ayaa ku bilaabantay jewi kacsan, isla markaana si aad ah loogu sacabo-tumayey Iniesta oo ay ahayd kulankiisii ugu dambeeyey ee El Clasico ah ee uu ciyaaray, waxaana daqiiqaddii 10-aad goolka la hor martay martay Barcelona oo uu u dhaliyey Luis Suarez, hase yeeshee, Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqaddii 14aad Real Madrid u dhaliyey goolka barbar-dhaca, waxaase uu goolkaasi noqday masiibo sababtay inuu dhaawacmo.

Qaybta hore oo sii dhamaanaysa ama daqiiqaddii u dambaysay ayaa Barcelona laga saaray difaaca midig ee Sergi Roberto oo feedh ku dhuftay Marcelo, waxaana labada kooxood ay ku kala nasteen 1-1, markaas oo intii la maqnaa uu tababare Zidane beddelay Ronaldo oo dhaawac ah.

Markii layskugu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay toddoba daqiiqadood oo kaliya ayaa Lionel Messi uu Barcelona u dhiibay hoggaanka, markaas oo kubbad lagu khaldamay Varane uu garsooruhu fasaxay, isla markaana uu Messi uga faa’iideeyey kooxdiisa.

Ciyaarta oo xamaasaddeedu cirka ku laallayd, ayaa waxa Real Madrid goolka barbar-dhaca u dhaliyey Gareth Bale oo kubbad qurux badan daba-mariyey goolhayaha.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-2, hase yeeshee, waxa natiijadaasi ay fursad u tahay Barcelona oo wali haysata rikoodhkii guul-darro la’aanta ee ay soo bilowday xili ciyaareedkii hore.

Dhinaca kale, Messi ayaa dhaliyey goolkiisii 26aad ee ciyaarta El Clasico ee uu ka dhaliyo Real Madrid, laakiin Ronaldo ayaa isaguna gaadhay goolashii Di Stefano ka dhaliyey Barcelona oo ahaa 18;