Riyadiii ka dhigtay xidigii uu rabay inuu noqdo Mohamed Omer Cismaan. ( Tobobare Nololeed ).W/Q: Cumar Muse Jama Iftiinshe

0
Tuesday June 05, 2018 - 16:12:31 in by salman abdi
  • Visits: 1784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyadiii ka dhigtay xidigii uu rabay inuu noqdo Mohamed Omer Cismaan. ( Tobobare Nololeed ).W/Q: Cumar Muse Jama Iftiinshe

    Riyadiii ka dhigtay xidigii uu rabay inuu noqdo Mohamed Omer Cismaan. ( Tobobare Nololeed ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadiii ka dhigtay xidigii uu rabay inuu noqdo Mohamed Omer Cismaan. ( Tobobare Nololeed ).  Intii uu ku jiray noqoshada ciduu rabo, waxaa ka hor yimid caqabado aad u tiro badan oo dad iyo degaan ah. 

Wuxuu sabab u noqday, intaas oo kun oo qof oo muslim ah oo nolosha ka quustay, ama fahanka nolosha ee saxda ah ka qaldanaa ? inuu u sheego inay yihiin halyeeyo dunidu u bahaan tahay waxna qaban kara, guulaysan karana ayuu ku guulaystay Mahamed Omar. 

Waa xidig caalami ah, oo caalamka si sharaf leh ugu duula looguna soo dhaweeeyo. Ardaydii la midka ahaa macalinka, waxay nolol u raadsadeen yurub oo tahriib ay ku galeeen, Maxamed Cumarna wadankiisa ayuu ku dhex tahriibay oo uu kaga sharaf badan yahay wadankaas ay u tahriibeen lodkiis. Airport -yada calaamka ayuu si sharaf leh uga dagaa, si sharaf leh a waa loogu soo dhaweeyaa. halka saxibadiisi horena ay tahriib ku galeen iyo duruufo adag. 

Maxamed cumar waa macalinkii ugu horeyey ee geeska africa ka hirgaliya dugsiga horumarinta aadamaha, oo ah dugsi qofka shaqsiyadiisa lagu dhiso oo lana sheego inuu wax qaban karo. 

 Dhalinyaro badan ayuu sharaf u helay, in barnaamijyadisu sameeyaan kadibna wadadiisii raaca. Cumar ahaan been lama sheego ee maxamed cumar samayn ayuu ku yeeshay noloshayda waxaanna oron karaa magaalo mugdi ah inta uu iga soo saaray ayuu i keenay caalam qurux badan oo wada i faya.

Alleh ha barakeeyo, labada darooodna haku guleeyo. Macalin kaligay kuma jecli kumana taageero balse bulsho nooc walba leh ayaa ku jecel kunnna tageersan shaqadan aad hayso hada. Guulayso. Fadlan Postigan, Macalinka ha loogu yeero #Mention. Mohamed Omer. Cid kale hadii aad garanayso shaqadan horumarinta aadanaha ka shaqayna u yeedh, bulshada ayey sharaf ku dhex yeelihiin ee. 

Ugu danbayn walaal dad badan si ay u arkaan .sii faafi. 

 Fg: Qofku Inta uu nool yahay shaqadiisa iyo kaalinta uu bulshada ugu jiro ku amaan. Maalinta uu dhinto hadii aad tiraahdo waxasu ahaa kuma maqlaayo isagu hada dhiirigali oo amaan. 

Somalidu inta aad nooshahay waxba kuuma sheegan oo kuma amaanayaan balse maalinta aad aduunkan ka baxdo ayaa la oron geesi geesi dhalay ayuu ahaa bulshada kaalin muhiim ah ayuu ugu jiray ! Reer galbedkuna Inta u qofku noolyahay ayey dhiirigaliyaan wanna sababta caruurtoodu wax cusub u keenan. La kala dheerey orodna maha. 

Share ha ilaawin walaal, Intaas ku caawi xidigaha. Waa qoray Cumar Muuse Jama Iftiinshe, oo ah Arday wax ka bartay Mahamed Omer. 

#WaaMarkaaagi-Haquusan-Duruuftu iyo caqabadu Umay iman inay kula sii joogaan, kaliya way ku eegin sidaad ugu samirtid wayna iska tagin caqabadu... 


Kalmadaha ugu badan macalinku kusoo celceliyo, waxaad dareentay ?