Tahriibka Iyo Dhibaatooyinkiisa. Qalinkii: Mahamed Hamud

0
Wednesday August 27, 2014 - 09:32:27 in by Super Admin
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibka Iyo Dhibaatooyinkiisa. Qalinkii: Mahamed Hamud

    Marka hore waxaan salaaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan salaaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland,


 

waxa kale oo aan salaamayaa dhamaan shacab waynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxaan wax yar dhalinyarada xasuusinaya dhibaatooyinka lagala kulmo tahriibka oo aad u rafaad badan runtii, xitaa hadii aanad ku dhiman intaad ku jirto safarkaa dhibaatada badan ee bariga iyo badaba leh.

Tahriibku walaalayaal waa safar halis badan oo runtii aad iyo aad u adag, waxaad la kulmaysaa adoonsi kii ugu xumaa iyadoo laguula dhaqmayo sidii la doono oo aanad xitaa ka hadli Karin hadiiba ay ku soo gaadhsiiyaan dhaawacyo dadka ku tahriibinaya oo runtii ay shaqo u noqotay in dadka la uus miirto, tahriibku maaha sxb-yal wax lagu hodmo oo dadku isku dhaafo runtii waa fikir qaldan oo aan ku banaanayn sharafta qofka bili aadanka ah ee tahriibaya iyo kan shareecadeena Diinta Islamka, walaalayaal tahriibka dhibkiisu wuu ka badan yahay dheeftiisa waayo, halisa aad naftaada ku biimaysay oo kaliya ayaanad helaynba wax kaa soo celiya, yadoo aynu ognahay kuwa iminka ku sugan Europe meeshay doonaan hakaga sugnaadaane ma haystaan Nolosha aan ku haysano dalkeena Somalialdn, waayo halkan waxaad la joogtaa oo ku garab taagan dhamaanba ehelkaagii iyo qaraabadaada oo aan kuu ogolayn in dhibaato ku soo gaadho noocay doonto ha ahaato e.

Laakiin marka aad tagto Europe waad aragtay dadku waxay ku nool yihiin oo ku tiirsan yihiin mudoyinka hore oo dhan KINIISADO ay u doontaan waxay lafahooda u cunaan taasi waa arin niyad jab ku abuurta qofkii soo tahriibay oo uu is yidhaahdo maanta hadaad dadkaagii iyo dalkaagii joogi lahayd sidan oo kale kayuu umaad gasheen cunto oo baadari bixinayo oo aanad hubin waxay tahay.

Runtii tahriibka dhalinyarada oo mudooyinkan danbe aad moodo inuu sidii hore kasii batay ayaa keenay inaan maqalkan ka qoro waayo waxaan la kulmay asxaab badan oo aanu aad isugu dhowayn oo dhamaantood leh waan sii socdaa e nabad gelyo, taas oo latalin badan lagu guul daraystay in laga joojiyo tahriiba, dhaqaalahan ku baxaya tahriibka hadii dhalinyarada loogu sameeyo dib u dajin waxay yarayn karaysaa tahriibkii waayo ninkaa ma inantii dhalinyarada ahayd markii ay jaamacadii ka qalin jabiyeen ee ay hadana waxba ku waayeen wixii ay barteen waxay keentay inay yidhaahdaan meel uun ayaa wax laga keenayaa e sii soco adigu intaad nooliga ilaa Ethiopia sii qaadato halkaas aad ka helayso ragii dadka tahriibin jiray ee magacyada badan la baxay sida Magafe iyo Maqade. Waxaan ku baraarujinayaa dhamaan waalidiintu inay dareemaan qofkan wax eryaya ee ku kalifaya inuu tahriibo taas oo laga yaabo in ay noqon karto mid wax laga qaban karo, dhanka xukuumadana waxaan u soo jeedinayaa in dhalinyarada loo sameeyo qorshe cad oo ku wajahan sidii looga joojin lahaa tahriibka, taas oo la samaynayo in la dhiiri galiyo SPORTS ka oo runtii la sameeyo garoomo ku haboon oo lagu mashquuli karo, lana dhiiri galiyo waxbarashada, lana sameeyo wacyi galin balaadhan oo dhinaca tahriibka ah yado la soo ban dhigayo dhibaatooyinka ay leedahay tahriibtu, waayo maanta dhamaan goboladii way haawanayaan oo dhalinyaradii waa wax ka tegay iyo kuwo iminka ku xidh xidhan sidii ay u tagi lahaayeen taasina waa arin runtii aad u foor xun.

Tahriibku waa aafo, waxaana loo baahan yahay in shacab iyo dawladba meel looga soo wada jeesto, oo fadhiga laga kaco, runtii arinkan tahriibku wuxuu keenay in dhamaanba dhalinyartu ku wada hamido sidii mid waliba uga tagi lahaa dalka mar uun siduu doono hawga tago e. Waxaan aad ugu boorinayaa dhanka xukuumada inay isku daydo in aanay xuduudaha dalka ka gudbin cidii looga shakiyo inay tahriibayal yihiin oo cadaadis xoogan la saaro cidi tahriibaysa iyo kuwa tahriibinayaba, taas ayaa lagu yarayn karaa ama hoos loogu dhigi karaa tiradan faraha badan ee maalin iyo habeenka dalka ka sii socota, waayo dhalintaas maanta ku galigmaysa badahu waa dadkii beri dalka u hadhi lahaa.




Waad Mahadsantiihiin


Allaa Mahad Leh


Qore: Mohamed Hamud Ali
Burco – Somaliland
Contact: 063-4125186