Qummanaanta "Dh-da" Iyo Qalloocnaanta "R-da" W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Friday June 29, 2018 - 13:09:21 in by salman abdi
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qummanaanta "Dh-da" Iyo Qalloocnaanta "R-da" W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Qummanaanta "Dh-da" Iyo Qalloocnaanta "R-da" W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qummanaanta "Dh-da" Iyo Qalloocnaanta "R-da" W/Q: Cali Cabdi Coomay

Erayada ku jira af-soomaaliga ama afkeenna kuwa ay ku jirto erayga’DH-da’ ma qaataan macneyaal kale oo aan ka ahayn hal macne inta badan, inkasta oo ay jiraan mar ay qaataan. Hasayeeshee erayga ‘R-da’ oo meel badan oo deegaannada Soomaalida ka mid ah ‘Dh-da’ lagu beddelo ‘R-da’ waxa uu qaataa macnayaal badan.


Waxba yaanan hadalka idinku daaline, bal tusaalahan dhugo. Erayga GADH waa timaha ka soo baxa daamanka ee ragu yeeshaan, haddii se laga dhigo GAR oo ‘R’ la adeegsado waxa ay noqonaysaa GAR oo micne ahaan noqonaysa, GARNAQSI, JIHO iyo WADNE. Waad aragtaa erayga ‘R’ siduu dhawr micno u yeeshay markii lagu beddelay ‘DH’. Bal tusaalooyinka hoose eeg ee aynu isku barbardhigayno labada eray:

 

= Baadh= Raadi………………………………………………Baar= Timo, Sayn ama fig

= Badh= Nus…………………………Bar= Dhibic, summad lagu soo dhasho, waxbarasho

= Badhe= kala-qaybiye………………………………………..Bare = Macallin

= Baydh= leexo………………………………………………….Bayr = didi ‘og

= Bidh= kor-u-qaad……………………………………………..Bir = Xadiid

= Biidhi= Nooc sigaarka ah……………………………………Biiri = kordhi

= Boodh= Siigo………………………………………………..Boor = Carayn, Midab

= Budh= ul gaaban……………………………………………Bur = Daqiiq, bur caws ah

= Buudh= Kabaha daboolan…………………………………Buur = Buurta, naaxsan

= Buudhi= Dheegga gaadhiga………………………………..Buuri= Tubaako

= Caadh= Xubinta taranka awrka……………………….Caar= Midabka madow, Dumar

= Cadho= Xanaaq………………………………………….Caro= Ciid, Cartan, Samayn

= Fidh= Timo feedhasho…………………………………..Fir= Isir, Dir

= Hoodh= Harag qudhmay………………………………Hoor= Dareere, roob hooray

= Hudh= Cantuugo………………………………………..Hur= Gubo, quudh

= Jeedh= Qayb……………………………………………..Jeer= Jeerta, xilli, bahal

= Jidh= Oogad qofka………………………………………Jir= Roob taxan, ilaali

= Kaadh= Tigidh yar………………………………………. Kaar= Xumad, magac nin

= Koodh= Jubbad…………………………………………..Koor= Koorta geela

= Maadh= Caws……………………………………………Maar= Bir, daxal, haad, turub

= Madh= Taran…………………………………………….Mar= Xilli, soco, xidh, dhar

= Naadh= Xoolaha lagu waraabiyaa……………………..Naar= Dab

= Qaadh= Qaayis………………………………………Qaar= Huudh, kuwo, jidhka badhkii

= Qadhaadh= Dhadhan……………………………….Qaraar= Go’aan, ka dhergid

= Qoodh= Labood……………………………………..Qoor= Sur, meel bannaan

= Shidh= Qaybta hore ee gaadhiga…………………..Shir= Kulan

= Sudh= Deldel…………………………………………Sur= Qoor, nooc malabka ah

= Waadh= Bukaan-jiif……………………………………Waar= Cabbir, noolaansho

= Wadh= Dul saf…………………………………………..War= xog, haro

= Xaadh= Nadiifi……………………………………………Xaar= Saxaro

= Xeedho= Sixni……………………………………….Xeero= Xayndaabasho, sharciyeysan

Waxa kale oo ay ‘R-du’ qalloocataa marka eray ay ku jirto laga dhigo jamac ama wadar. Tusaale, BADH jamaciisu ama wadartiisu waa BADHAADHE, hasayeeshee marka ‘R’ la adeegsado waxa ay noqonaysaa ‘BAR marka jamaca ama wadar laga dhigo waxa ay noqonaysaa BARAR oo noqonaysa macne kale. GABADH marka wadar laga dhigo waxa ay noqnaysaa GABDHO, hasayeeshee marka ay noqoto GABAR ee wadar laga dhigo waxa ay noqonaysaa GABRO oo micno kale noqonaysa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[emailprotected]

Tixraac: Af-dhaab…………………..Cismaan Cabdinuur Xaashi (Khaliifka)